Haweenayda muslimada ah Maaha mid xuta 8 MARCH, W/Q :Faysal sahal jama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenayda muslimada ah Maaha mid xuta 8 MARCH, W/Q :Faysal sahal jama.
March 8, 2014 - Written by Wariye:

Waxaan halkan inta alle iga garan siiyo aan wax Yarka tilmaami doonaa maalinta 8 march  maaha maalin ka duwan maalmaha kale ee bisha march waa isku imid 1 bisha march iyo 8 march maalina ma dulmiyin islaamku haweenka maalina sadbursiiyo ma siinin

Waxaan xasuusinyaa walshayda muslimada ah in shaydaanku yahay cadawgeeda koowaad waxaanu faraa wax kasta oo lidi ku ah diinta islaamka waxaana uu u qurxiyaa waxkasta oo ay alle kaga fogaanayso

Hadab walaashayeed maalinta aan manta joogno ee 8 march hadii diintu ku fartay inaad debaal degto oo aad u debaal degto xoriyad islaamku kaa qadiyey reer gaalona ku siisay waa mid aan sal iyo raad toona laahayn.

Hadaba maxaa cadow gaga layskaga dufaacaa

1.cadowgaaga ka hadh oo

ha noqon mid daba orda

2.ha jeclaan waxa cadowgaagu jecel yahay

3.ku dhaqan diinta islaamka oo ka dhigo hagahaaga koowaad

Qodobadan hadaad ku dhaqanto waxaad noqonaysaa mid ka guulaysta cawodgiisa

Ogow walaashayeed in naftaadu jeceshahay qasaarahaaga hadaad aad waxay doonayso aad u fuliso oo ay iyadu kuu taliso oo aad noqoto hawo raac daba gala naftiisa  in aad u sahay qaadatay jid dhib badan if iyo aakhiroba

Naftaada ku hogaami wanaaga ka xakamee xumaanta naftaada toosi tus wadad toosan

Waxaan ogahay in badan oo haween soomaliyeed ahi inay yihiin kuwo naftooda toosiyey ka xarimay xumaanta kuna hagay dariiqa toosan kuwaasna hoygoodu waa jano ifkana waxay ku noolyihiin raaxo ay qalbiga ka dareemayaan raaxada adduunyaduna waa qalbiga

Gabadha muslimada ahi waa ta taqaan waxa ay qabanayso ama ay falayso

Gabadha muslimada ahi maaha ta xusaysa maalin  Ka mid ah ayaamaha alle

Maalintaas oo ay samaynayo gaf diimeed  ama  Arin aan diinta sal Iyo raad toona kulahayn

Walsha muslimada aheen bal dib u milicso taariikhta oo ku dayo haweenkii nabiga

1. Muma muuminiin khadiijah waa haweenaydii maalkeeda ku bixisay diinta aad adigu maanta labisantahay

Halka aad adigu maanta ku bixinayso maalkaaga iyo wakhtigaaga maalin la dulmiyey dumarka waayo sanadka dhan haweenayda muslimada ahi kuma laha maalin kaliya(subxaan Allah)

2. Haweenku muuminaadka ahi maalin Ka mid  ah maalmihi ugu adkaa nabiga CALAYHI SALAAM waa maalinkii sulxul xudaybiya waa markii asxaabtu ay diiden amarkii nabiga ee ahaa in ay hadyiga(xoolaha) gawracaan timahana xiiraan asxaabtii waa ka dhaga adaygeen  arintaas waxaa murugtaas Nabiga(NNKH) Ka saartay umu salam oo keentay taladii islaamku maalintaas ku bedbaaday Nabigana farax galisay

ogow nabigu waxaa uu arinta dawlada islaamka kala tashaday waa haweenay ah xaaskiisa waa sharaf islaamku haweenka gaadhsiiyey

manta ma dhacdo in madaxda hogaamiya wadamada u sacaba tumaya maalinta ay ugu magic dareen maalinta haweenka inay talada dawladahooda waydiiyaan xaasaskooda

3.walshayey bal dib u akhri taariikhda asxaabta Nabiga(NNKH) Ka wariyey Axaadiista ugu tirada badan waxaa Ka mid ah caa’isha  waa haweenay waxay la tartamaysay raga mu xadasiinta ah.

Hadaba waxaa jira haween somaliyeed oo gutay kaalintii ay diinta islaamku fartay alle ha u siyaadiyo waxaan walaashaydaas xilkeeda gudatay la gudboon inay u caqli celiso walaasheeda u dabaal dagaysa 8  march oo aanay macnayn Ka rayn maalintani waxay ugu fadhido cida dabada ka hagaysa balse ay arinteedu tahay kudayo (subxaan allah)

Haweenayda iska dhaafta sharafka islaamku siiyey Una afduuban dhalanteeda waxaan ugu nasteexayaa inay iska dhaafaan

kana dheeraadan inay noqdaan kudayshadii indhaha la’ayd

Bal akhriya maalintii ugu darnay islaamka waa heshiiskii sulxul xudaybiya ma jirto maalin kaga adkayd islaamka ayaamihii qurayshi kula jirtay dagaalka waxaa Nabigu naxariis Iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee  saxeexay in qofkasta oo islaamka soo gala la celiyo laguna celiyo gacanta kufaarta

alle Kor ahaaye waxaa uu adoonkiisa ku yidhi Nabi allow heshiiska aad saxeexday kuma jiraan haweenku raga oo kaliya ayaa la celinyaa

Ogow walaashayeey  maalikaas raga cadowga lagu horjoogsaday Adiga allahu ku sharfay ha noqon  abaal laawe aan abaal gudin Hana u dabaal dagin wax aan alle Iyo rasuulkiisa Ka sugnaan

Qofka muslimka ah waa ka u debaal dega maalmaha  labada ciidood ee  islaamka

Waana maalmaha ay diintaadu ku farayso

Hadaba hadii aad haysato diin aad diinta islaamka ahayn waxaad samaynaysaa wax kasta oo lidi ku ah diinta islaamka

Bal u fiirso oo hubi camalka aad samaynaysaa ma hayay mid alle iyo rasuulkiisu ogol yihiin hadii aanu ahayn mid alle iyo rasuulkiisa ka sugnaaday waa baadil ee ka dheerow

Alla mahad leh

W/Q :Faysal sahal jama

Sahlane000@gmail.com

Tell:9000057

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS