|
|||||
WAJAALE NEWS
HARGEYSA: HOOYO ARXAN DARAN OO ILMO AY DHASHAY SUULI KU RIDAY IYO CIIDAMADA BOOLISKA OO BADBAADIYAY
March 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Waxaana sidaas lagu badbaadiyay ilmihii yaraa oo loo fidiyay daryeel, isagoo aanay amarka Alle wax dhibaato ahi gaadhin. Hargeysa (wjn) – Ciidamada Booliska ee Saldhiga Doolodho ee magaalada Hargeysa ayaa shalay badbaadiyay ilmo yar oo markii uu dhashay ay hooyadii suuli ku riday, habeen hore.
Hooyada ayaa si qarsoodi ah suuliga ugu riday ilmaheeda, ka dib markii ay dhashayba, iyadoon ciddi ogayn. Laakiin qoyska degenaa guriga suuligiisa lagu riday ilmahar yar ayaa salaadii subax la sheegay inay ka war heleen oohinta ilmaha yar ee suuliga ka dhex ooyaya, waxaanay dalbadeen Booliska oo iyaguna dalbaday xoogag kale oo suuliga jebiyay. Waxaana sidaas lagu badbaadiyay ilmihii yaraa oo loo fidiyay daryeel, isagoo aanay amarka Alle wax dhibaato ahi gaadhin. Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in la hayo hooyadii falkaas foosha xun samaysay. Falkan ayaa ah mid fool xun oo axmaqnimo leh, waxaanu shalay fajac iyo layaab ku abuuray dadweynaha xaafadaas degen. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO ; Haayada Ka Hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Oo Bulshada Somaliland Ugu Digtay Roobab Duufaa... Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa Oo Istaagay Iyo Khilaaf La Sheegay In Uu ka Dhex Curt... “Sida Aan Filayo Hadii Cabdiraxmaan Cirro Aanu Ahayn Musharaxa Ku Guulaysan Doona Doorashada 13Novem... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|