Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Oo Maanta Baadhis Ku Bilaabay Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Oo Maanta Baadhis Ku Bilaabay Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa
March 31, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa saaka ku waabariistay xarunta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Hanta dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa la sheegay inuu doonayey inuu baadhis xoogan ku sameeyo laba xafiis oo ka mid ah xafiisyada dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Hanta dhawrka guud ee qaranka Maxamuud Dheere ayaa markiii uu saaka galay xarunta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa waxa uu baadhis ka bilaabay xafiiska nashqadaha ee dawlada hoose.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa la sheegay  inuu xafiiskiisa ku sugnaa wakhtigii uu hanta dhawrka guud e qaranku soo gaadhay xarunta dawlada hoose halka ku xigeenkiisu uu ka maqnaa xafiiskiisa.

Baadhitaanka uu hanta dhawrka guud ee qaranku ka bilaabay dawlada hoose ayaa loo sibir

saarayaa inuu la xidhiidho khilaafkii soo kala dhex galay wasaarada hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka, iyada oo madaxweynaha Somaliland-na uu hore u xayiray bixinta, kala wareejinta iyo dhalan rogida dhulka danta guud  iyo hantida dawlada.Baadhintaankan uu hanta dhawrka guud ee qaranku ka bilaabay maanta dawlada hoose ee Hargeysa ayaa la filayaa inuu socon doono maalmaha soo socda, iyada  oo natiijadana ka soo baxdana laga sugi doono hanta dhawrka guud ee qaranka

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS