Gudoomiye Cirro iyo wefti la socday oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay London | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Cirro iyo wefti la socday oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay London
March 29, 2014 - Written by Editor:

London-(Wajaalenews)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa soo gaadhay saaka magaalada London iyagoo ka soo kicitimay dalka Kuwait,halkaas oo ay beryahanba safar ku galabixinayeen qaar ka mid ah dalalka khaliijka.

Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah Golaha wakiilada iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog,Xil.Naasir Cali Shire,Axmed Fagfagaash iyo xubno kale ayaa si diiran oo kal-gacaltooyo ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyay Madaarka Heathrow International.

Gudoomiye Cirro ayaa kelmado mahadcelina u jeediyey Jaalliyada Somaliland ee London ,Bulshoweynta reer UK iyo taageerayaasha Waddani ee sida wadajirka u soo dhaweeyay,wuxuuna sheegay inuu hadalkiisa u dhigan doono munaasibado badan

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS