Gudoomiyaha-Golaha-Guurtida-Soomaaliland-Oo-Maamulka-Pumtland-Ugu-Baaqay-Ilaalinta-Nabad-Galyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha-Golaha-Guurtida-Soomaaliland-Oo-Maamulka-Pumtland-Ugu-Baaqay-Ilaalinta-Nabad-Galyada
March 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan Nuur) ayaaa maanta  ugu baaqay Maamul Gobaleedka Puntland in ay ilaalinyaan wada noolaanshaha labada dhinac ee dawlada Somaliland iyo Maamul Gobeleedka Puntland oo maal mihii ugu danbaysay Madaxweynha Maamulkaasi uu Sansaan colaadeed ka hurinaayey xuduudaha lama taabtaanka ah ee Somaliland,waxaana uu sheegay in aan qabiil Wadan lagu noqonin ee dalkani uu leeyahay xuduudo ,taariikho hore ku waasi oo muujinaaya xududaha somaliland .

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadalkani ka sheegay mar uu maanta la hadlaayey qaar kamida Warbaahinta Dalka,waxaana uu sheegay in uu talo ku siinaayo Madaxweynaha Gobaleedka Puntland in Somaliland iyo Maamulka uu xukumaa ay kuwada noolaadaan nabad galyo.

“..Intii ay cid waliba odhan lahayd ayaan odhanaya madaxweynaha maamul gobaleedka oo ah in laba dal oo walaala ah oo darisa ayeynu nahee aynu nabad kuwada noolaano,umada somaliyeedna meesha ay doonto ha joogtee ciday doonto  dal ahaan  ha ku abtirsatee ha kala nabad gasho, hanoo bilaabin ku wii iksu dhaca ayaan leenahay,degaanadan madaxweynuhu soo marayna dee waa deegaan somaliland ah,waxayna ila tahay dalalku ku ma dhisna abtirsiimo, xuduud bay leeyihiin xadabay leeyihiin taariikh horey leeyihiin anagu waxaan kugula talinaynaa inaan somaliland rabaq rabaq iyo ciidamo ay dhaqaajiso aanay u baahnayn adna taas kaba sii darned aan nabad galyo ku wada noolaano”.Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL.wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS