Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haye Ee Kulmiye Oo Xisbiyada Mucaaradka U Iftiimiyey Inaanay Jirin Mudo Kordhin Ku Saabsan Madaxwayne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka Haye Ee Kulmiye Oo Xisbiyada Mucaaradka U Iftiimiyey Inaanay Jirin Mudo Kordhin Ku Saabsan Madaxwayne Siilaanyo
March 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Guddoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamay mudo kor dhiinta ay xisbiyada mucaaradku walaaca ka muujiyeena waxaana uu sheegay inaanay waxba ka jirin arinta mudo kordhinta ah ee la hadal hayo.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale Beeniyay warar sheegayay in Lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doolar loo siiyay si uu uga tanaasulo Musharaxnimadiisa 2015-ka waxaana uu ku tilmaamay been cad oon geedna loogu soo gaban.

Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haye ee kulmiye oo maanta waraysi siiyey TV-Ga Qaranka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“ Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, Dadaala waanu ugu jiraa. Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto. Waanu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaanu ka taaganay waa kaas.” Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi oo waraysi siiyay Telefishanka Qaranka.

Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray “ Waanagii wada jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray Qolada inaga caawisa xaga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xageeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Komishanka ay ku wada socdeen Qorshe ah in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, balse aanu garanayn waxa hadda keenay Cabashada iyo Mudo kordhinta ay ka dhawaajiyeen.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa si aada loo hadal hayay in Xukumaddu wado Qorshe laba sano loogu kordhinayo Mudada, inkasta oo wali sanad iyo badh uga hadhsan yahay Wakhtiga sharciga ah. Mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeestay hadal hayntaasi oo aan si rasmi ah looga hayn Xukumadda.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale Beeniyay warar sheegayay in Lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doolar loo siiyay si uu uga tanaasulo Musharaxnimadiisa 2015-ka “ horta Kalmadaas ah Lacag baa la siiyey meesha kuma jirto. Xataa wax-wax aan afka ku haboonayn ayaa jira. Qadiyada iyo masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa Arin aad u qaab daran. Ta Musharaxnimadu Shirkan kuma jirto wakhtigeediina ma joogno. Marka wakhtiga Musharaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaadaan is-sharaxaad. Markaa xiliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa musharaxa sidaynu wax nidhaahnaa laakiin hadalkaasi imiku waa wax iska macno daro ah” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa walaac xoogan ka muujiyey mudo kordhinta madaxwaynaha somaliland oo indhawayd la hadal hayey waxaana uu guddoomiye muuse biixi xisbiyada mucaaradka u iftiimiyey inaanay waxba ka jirin

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS