Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Ay U Soo Jeediyeen Xubno Ka Tirsan Bahda Garsoorka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Ay U Soo Jeediyeen Xubno Ka Tirsan Bahda Garsoorka Somaliland.
March 4, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Gudida Cadaalada  Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo xubno ka tirsan Bahda Garsoorka ay ku durayeen xubno ka tirsan Xukuumada.

Guddoomiyaha Iyo Guddida Cadaalada Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa shaaca ka qaaday in inaanay garsoorku soo gaadhsiin cabashadooda isla markaana aanay waxba ka ogayn wasiirada soo faro galiyey ee ay ka cabanayaan

Waxaana uu guddoomiyuhu uu bahda garsoorka  usoo jeediyey wixii cabasho ah ee xukuumada kasoo gaadha in ay la soo socod siiyaan guddida cadaalada,waxaana uu sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo u gudbin doon cabashada ay garsoorayaashu ka dhibeen wasiiro ka tirsan xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddoomiyaha Guddida Cadaalada Ahna Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo ugu horen shirkaasi jaraa,id ee ay qabteen ka hadlay ayaa waxa uu yidhi sidan“waxaan maanta doonayaa inaan ka hadlo cabashooyin ka yimi qaar ka mid ah garsoorayaasha gobolka maroodi jeex oo ay kaga hadlayeen arin ay ka cabanayeen am tabashooyin ay qabeen,waxaan idin la socod siinayaa in ay halkani tahay xafiiskii cadaalada xubnahan fadhiyaan ay yihiin xubnihi guddida cadaalada.

Guddoomiyaha guddida cadaalada oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raaciyey”Madaxwaynaha qaranka iyo u madaba waxaanu ku war galinaynaa in ay guddida cadaaladu waxba kala socon arinta ay ku hadleen garsoorayaashu ee faro galinta la xidhiidha ee guddoomiyayaasha maxkamadaha qaarkood ay ka hadleen arintaasi guddida cadaaladu hore waxba uga lamay socon sidii madaxwaynaha qaranka oon u mahad naqayo uga hadlay arintaas ee u mada iyo garsoorka somaliland ku war galiyey inuu diyaar u yahay inuu wax ka qabta cid kasta oo garsoorka soo fara galisa.

Waxa uu guddoomiyaha guddida cadaaladu sheegay inuu madaxwayne siilaanyo mar kastab diyaar u yahay inuu wax ka qabto masuuliyiinta qaranka ee sida sharci daradah  ah  usoo fara galiya arimaha garsoorka u dhago nugul yahayna tabashada garsoorka.

“waxa uu madaxwayne siilaanyo aniga iga balan qaaday inuu wax ka qabanayo masuuliyiinta qaranka ee sifaha sharci darada ah  u dhexe gasha madaxwaynahuna waa kii warbaahinta arin kaas ka balan qaaday waanan ugu mahad naqayaa madaxwayne aniga oo ku hadlaya magacii guddida cadaalada iyo kii garsoor kaba.

Guddoomiyaha guddida cadaaladu waxa uu sheegay inuu garsoorku uu haysto madax banaani boqolkiiba boqol ah waxaana uu sheegay masuulkii faro galinta ku sameeyey bahda garsoorku in cabashadiisa ay hayaan hadan loo soo gudbiyey.

“Garsoorka somaliland wuu haystaa madax banaani boqolkiiba boqol ah ma jirto cid faro galin ku haysaa masuulkaas hada cabashadiisu nasoo gaadhayna mooyaane sidii madaxwaynaha somaliland sheegayna anaguna waxaanu u gudbin doono madaxwayna.

Dhinaca Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Guddida Cadaalada Xasan Axmed Aadan waxaana uu sheegay inuu garsoorka somaliland uu haysto madax banaani wanaagsan oo uu ku faano erayada ay garsoorku ku hadleen ay ahayeen eray gaf ah.

“Garsoorka somaliland waxa uu haystaa madaxbanaani ka wanaagsan kii dawladii hore ee uu Madaxwaynaha Ka Ahaa Daahir Riyaale Kaahi waxaanan odhan karaa ragas ku hadlay afka garsoorayaasha waxa ay ku kaceen gaf waxaanan bahda garsoorka u sheegayaa in ay guddida cadaaladu masuul ka tahay tabashada garsoorka isla markaan ay waajib ahayd in ay cabashadooda usoo gudbiyaan.

Waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha haay’adda shaqaalaha somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo Xubin ka ah guddida cadaalada waxaana uu sheegay in ay dawgeeda marin doona wasiirkaas ka tirsan xukuumada ee ay xeer ilaaliyaashu carabaabeen waxaana uu madaxwayne siilaanyo ku amaanay go,aankii dag-dag ahaa ee uu arimkaasi kaga jawaabay,waxaana uu garsoorayaasha usoo jeediyey in ay cabashadooda la soo socod siiyaan guddida caadal.

Dhinac Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cadaalada Jamuuriyada Somaliland Abiib Axmed Cali Oo Isna xubin ka ah guddida cadaalada waxaana uu sheegay isla  markaana madax dhaqa-meedayada uga digay in ay soo faro galiyaan kiis ay gacanta ku hayaan garsoorayaashu.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS