Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Oo Ka Hadlay Harumarka Ay Gaadhay Jaamacada Alpha Sannadihii U Dambeeyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Oo Ka Hadlay Harumarka Ay Gaadhay Jaamacada Alpha Sannadihii U Dambeeyey.
March 16, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);PROF;Cabdiraxmaan Maxamed Maal Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Oo U Waramayey Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Maxaliga Ah.

Hargaysa(WJN):-Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Mudane C/Raxmaan Maxamed Maal Ayaa Ka Warbixiyey Horumarka Ay Jamacadaasi Ku Talaabsatay Intii Ay Jirtay,  Waxyaabaha U Qorshaysan Iyo Xidhiidhada Ay La Leedahay Jaamacadaha Kale Ee Adduunka.

Mudane C/Raxmaan Maxamed Maal Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Oo U Waramayey Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Maxaliga Ah Ayaa Sheegay In Jaamacada Alpha Ay Ku Guulaysatay Kuna Hawlan Tahay Sidii Uu U Noqon Lahaa Manhajka Waxbarasho Ee Ay Ardayda Jaamacadaasi Wax Ka Bartaa Qaataan Mid La Tartama Lana Mid Ah Kuwa Caalamka Ka Jira Si Aqoonta Ay Ardaydaasi Qaadanayaan U Noqoto Mid Dalka Iyo Dadkaba Anfacda .

 

Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Jaamacada Alpha Ay Xidhiidho Kala Duwan La Leedahay Jaamacado Kala Duwan Oo Adduunka Ah Isla Markaana Dhawaan Ay Dalka Ka  Bixi Doonaan Arday Ka Faaidaysan Doonta Deeq Waxbarasho Oo Loogu Deeqay Jaamacada Alpha.

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS