Guddomiyaha Gobolka Gabiley oo sheegay in uu ku jiro Xal u helista Muran Dhul oo u dhexey Alaybad iyo Arabsiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddomiyaha Gobolka Gabiley oo sheegay in uu ku jiro Xal u helista Muran Dhul oo u dhexey Alaybad iyo Arabsiyo.
March 31, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaaf ka dhashay Muran dhulleed oo u dhaxeyey Degmooyinka Alay-baday iyo Arabsiyo, kuwaasi oo isku haystay Dhul la yidhado Gees-dheere iyada oo Degmo walba ku doodaysa in ay maamulkeedu deegankaasi uu hoos yimaado.

Guddomiyuhu wuxu sheegay in Xalinta Arrintaasi uu ku jiro, lana sugay Wasiirka Arrimaha gudaha  sidii xal kama danbeysa ah looga gaadhilaha Murankaasi, in kasta oo uu hoosta ka xariiqay in Xeerka Degmooyinka iyo goboladu uu dhigayo in ay u dhexeyso 5-Killomitir.

Guddomiyuhu wax uu sidaasi ku sheegay isaga mar uu maanta u Warameyey Talafeshinka Star.

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geeddi   oo ka khilaafka halku ku qotomo. “Runtii Degmada Arabsiyo waxa degmo ahaan loo aqoonsaday 2008-dii, waana Degmo Darajada  D ah, Alaybadeyna wax degmo laga dhigay  2002 waana Heerka D, mid waliba sharciga xeer 23 ayaa khuseeya oo sheegaya in anay 5 Killo mitir aanay isku dhaafi Karin, hasayeeshe dabacsaan ay alaybaday Gabiley u siisay oo tuulooyin badan u daysay, ayaa isku keenay hawshaasina waan dhameyey wasiirkan waan la sugayaa, warqadan waan ka soo qoray inta la kala xadeynayo, degmooyinkii cusub ee D ahaa ee la bixiyey in ay dhulkaasi isku qabsan Karin wax muran ahna laga sameyn Karin”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS