Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Dhagax Dhigay Xarunta Baarlamaanka Ee Gobolka Saaxil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Dhagax Dhigay Xarunta Baarlamaanka Ee Gobolka Saaxil
March 25, 2014 - Written by Editor:

SAAXIL(WAJAALENEWS);Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta dhagax dhigay guriga Baarlamaanku ku yeelan doono xarunta Gobolka Saaxil, kaasi oo dhulka laga dhisayo ay bixisay dawladda hoose ee Magaaladaasi.

Dhismahan oo la bilaabi doono bisha June ee sanadkan, ayaa waxa si wada jir u dhagax dhigay Guddoomiyaha guddia joogtada ah, Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi, Md. Cali Yuusuf Axmed.

Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey dhisme si ku meel-gaadh ah Guddida joogtada ahi ugu kireysay baarlamaanka, kaasi oo lagu sii shaqeyn doono inta ay socoto dhismaha xarunta baarlamaanka ee Berbera  “Xaruntani waxay noqoneysaa halkii laga heli lahaa Xeerarkii dalka ee dastuuriga ahaa, oo ardeyda Jaamacaduhu ka heli doonaan xeerarka qabyo qoraalka ah, dooddoodahana ay kaga qayb-gali karaan,  waayo dadku haddii aanu baranin Xeerka lagu maamulayo Mushkilad badan ayaa jireysa iyo isfaham la’aan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo Xafiiskan tarayaa in laga doodo oo dadka Gobolkani joogaa (Saaxil) ay kaga doodaan xeerarka Goluhu sameynayaan, iyaguna ay fikirkooda ka dhiibtaan..”

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cali Yuusuf Axmed, waxaanu sheegay in xarunta la dhagax dhigay inta la dhisayo baarlamaanka iyo xildhibaanada Gobolka Saaxil ee Baarlamaanka ku jiraa ay ku sii shaqeyn doonaan dhismaha sida ku meel-gaadhka ah loo kireeyay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS