Goormuu qofku noqdaa murashax madaxwayne ??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Goormuu qofku noqdaa murashax madaxwayne ???
March 3, 2014 - Written by Wariye:

Lama arag qof marqudha damcay in uu salaanka dhakada kafuulo markaa waanu odhan lahay (MURASHAXOW HADEGDEGIN)!!!!!

Waxaan salaan qiimo iyo qaayo leh udirayaa dhamaan shacabka somaliland intaa kadib .

Siyaasada somaliland waa mid aad isubadbadal badan laakiin iyada oo ay sidaa ay tahay waxa ay lahayd milgo iyo anshax ilaa maalintii ladoortay gudoomiyihii ugu horeeyay ee ururkii SNM ilaa maanta.

Hadaba waxa maanta ku cusub siaasada somaliland in yada oo aan lagaadhin wakhti doorasho in uu nin ama xisbi sheegto ama isku magacaabo murashax madaxwayne yada oo aan shirwayne lagu magacaabin wakhti aad uga fog doorashadana uu sheegto in uu yahay murashax doorasho .

Hadaba jamaal c.xuseen oo sheegta in uu yahay murashaxa xisbiga ucid ayaa dad badan layaabaan waayo waa nin ku cudub siyaasada laakiin marqudha isku sheegay in uu yahay marashax madxwayne taas

oo umuuqata in uu yahay nin doonaya in uu daaqada kaga sooboodo kursiga .

Hadaba waxaan odhan lahayn jamaal aqoonyahan kasta manoqdo madaxwayne ee hogaamiye waxa noqda nin khibrad iyo waayo aragnimo leh oo meel hoose kasoo bilaabay salaanka siyaasada .

Lama arag qof marqudha damcay in uu salaanka dhakada kafuulo markaa waanu odhan lahay (MURASHAXOW HADEGDEGIN)!!!!!

Dalku waxa uu doonayaa madaxwayne waaya arag ah oo khibrad leh kaas ayaa dalka anfacaya.

Uma baahna inan yar oo qaylo badan.

Ilaahay baa mahadleh.

Qore .Ahmed indhacase

COMMENTS
LINKS