GANACSI MAGAALADA TOGWAJAALE OO HAKAD GALAY ,KADIB MARKII MAYORKA IYO KU XIGEENKIISU AY ISKU DHACEEN IYO BADHASAAB GABILEY OO GUULDARAYSTAY XALINTA KHILAAFKOODA. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GANACSI MAGAALADA TOGWAJAALE OO HAKAD GALAY ,KADIB MARKII MAYORKA IYO KU XIGEENKIISU AY ISKU DHACEEN IYO BADHASAAB GABILEY OO GUULDARAYSTAY XALINTA KHILAAFKOODA.
March 6, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;ISQABQABSIGA XUKUUMADA SIILAANYO OO HADA MARAYA HALKII UGU XUMAYD SAAMAYNA KU YEESHAY ILAA GUDOOMIYAYAASHII DEGMOOYINKA.

 

TOGWAJAALE (WAJAALENEWS.COM);Dhacdadani oo hakad galisay habsami u socodka wax kala iibsiga galinkii hore ee maanta…….
Maamulka magaalada togwajaale ayaa khilaaf xoogani dhexmaray ,khilaafkaasi ay sobobtay ka dibmarkii maayir xaashi dalbaday in la soo xidho gudoomiye kuxigeenkiisa oo dhisanayay guri halkaa oo maayirku xigeenkuna iska difaacay, soona urusaday dad isaga taageersan ,booliska ayaa iyagu markii hore isku dayay inay xidhaan g/xigeenka Maxamuud sh, muse bokh xaalkuse markii uu adkaaday ayay booliskuna ka noqdeen amarkii qabashada ahaa, sidaa waxa yidhi qof goob joog ahaa..

Runtii aniga oo lexejeclo iga hayso wanaaga iyo nabadgalyada guud ee dalka ka jirta,ee aan caalamku inala qabin,ayaa hadana si gaar ah aan u danaynayaa Ammaanka Deg,togwajale waayo waa RUG Ganacsi oo ku taalla Xuduud islamarkaasna ah Kaabayaasha DHaqaalaha Dalka kuwa ugu Muhiimsan,waxa hadaba looga baahanyahay in Xukuumad iyo shacaba lagawada qayb-qaato sugida amniga iyo ka hortaga waxkasta oo wax u dhimi kara habsami u socodka dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka jira Degmadan,
waxase nasiib darro ah Masuuliyiintii ay xukuudda wakiilka u ahaa ee larabay in ay bulshada ka wacyi galiyaan wixii nabadda wax u dhimaya in ay iyagu u horseedaan falal nabadda lid ku ah,waxa saaka marqudha lagu war helay buuq iyo sawaxan hadheeyey Fagaaraha weyn ee ku yaalla jidadka ay soo maraan safarka ka yimaada Dalka aynu jaarka nahay ee ETHIOPIA ,halkaasi oo ay isku dhaceen taageerayaal kala taageersan Mayorka Degmadda XAASHI MAXAMUD CABDI (JAR-ISKA-XUUR) IYO KU X/GEENKIISA MAXAMUD SH MUSE BOOKH, dhacdadani oo hakad galisay habsami u socodka wax kala iibsiga galinkii hore ee maanta kadib markii uu Mayorku amray xadhiga mayor k/xigeenka,arintan oo ka cadheysiisay taageerayaasha Mayor x/geenka ayaa sobobi gaadhay in ay baaruudu afka ka baxdo,walibana ku darsoo goobta ay arintani ka dhacday waa ENTRY-POINTKA Dalka laga soo galo,taasi oo sobobi gaadhay in la isboobo,nasiib wanaagse waxa si adag uga hawl-galay Booliska Degmadda oo xaaladda caadigeedii ku soo celiyey ka dib markii ay Diideen AMARKII Mayorka ee uu ku amrayey in la xidho Mayor x/geenka iyagoo boolisku u arkay tallaabadan uu qaadey Mayorku mid xaaladda AMMAANKA cirka ku sii shareeraysa,khilaafkan u dhexeeya maamulka Degmadda ayaa muddo Sannad ku dhow mar meel taagnaa balse xal ku meel gaadha ay ka dhexwadeen CIDDII marka hore soo magacowdey oo uu hormuud ka yahay WASIIRKA MAALIYADDA MUDANE C/CASIIS MAXAMED SAMALE oo isaga qudhiisu uu haatan quus ka taaganyahay,Mayorka iyo ku xigeenkiisa oo dadweynaha TOGWAJALA ku xantaan in ay MADAXA ISKAGA YAALLAAN iyadoo loola jeedo in WASIIR SAMALE uu abti u yahay MAYORKU halka Mayor x/geenkana ay HABRO-WADAAG YIHIIN Samaale ,balse tacabkii iyo dadaalkii Samaale kamay faaiideysan,marka laga reebo dhul yar oo DANTII GUUD ka hadhsanaa oo uu khilaafkoodani salka ku hayo,waxase bulshadu isweydiinaysaa DOORKII Wasaaradda Arimaha guduhu ku lahayd booba yaa waddanigan ka socota Degmadda iyadoo uu Wasiirka Arimaha gudaha ee maanta joogaa uu yahay Shaqsi hawlkar iyo daacadnimo isku darsadey,balse dadka ka faalooda arimaha gobolku ay ku macneeyeen in Wasiir CALI WARANCADDE uu ku ixtiraamayo waxbadan oo uu wax ka qaban lahaa xubno isugu jiro Xildhibaano WAKIILADDA iyo Wasiiro GOBOLKA ka soo jeeda,maadaama ay xukuumaddani tahay tii wada-tashiga iyo wadashaqaynta,guntii iyo gaba-gabadii jahawareerka Maamul ee ka jira Degmadda togwajaale ayaa sobobi kara xaalad aad u fool-xun oo saameyn togan kuu yeelan kara AMMAANKA DEEGAANKAN
wabillaahi towfiiq.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALENEWS OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com


by MUSTAFA SH ABIBAKER HUSEIN

COMMENTS
LINKS