|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabadha Ku Ee Daysan Dilkii Foosha Xumaa Ee Dhawaan Hargaysa Kadhacay Oo Maanta Maxkamada La Horkeenay.
March 8, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News)-Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta la hor keenay eedaysanayaasha ku eedaysan dil loo gaystay alle haw naxariistee Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle oo lagu magaalada Hargeysa. Eedaysanayaasha kiiskan dilka ah loo haysto ayaa la filayey in maanta la furo dacwadooda la xidhiidha kiisankan balse waxaan suura gelin in la gudo galo kiiskan isla markaana eedaysanayaashan loo jaro todobada cisho oo rumaan ah sida uu xaqiijiyey xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex Axmed Cismaan Mire oo la hadlay warbaahinta. Sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex kiiskan dilka ah ayaa ilaa hada loo qabtay todoba qof kuwaas oo ku eedaysan falkan, waxaanu xeer ilaaliyuhu sheegay in kiiskan loo qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan. Ugu horayn xeer ilaaliyaha gobolka MaroodiJeex Axmed Cismaan Mire oo ka hadlaya eedaysanayaasha kiiskan ee la hor keenay maxkamada gobolka maroodi jeex ayaa waxa uu yidhi “kiiskaasi waa mid warkiisu cad yahay waana mid aad u fool xun oo jariimad ah, waana hab aynaan dhaqan u lahayn oo inagu cusub waana lagu guulaystay, dadkii falkaas ku eedaysnaana maanta ayaa la hor keenay garsoorka, waxaana xeer ilaalinta loo gudbiyey eedayntii ugu horaysay ee Police-ka, markaas kiiskaas waa la rumaan gareeyey oo maxkamadii awooda u lahayd u rumaan garaysay in si deg deg ah loo qaado, anagana Police-ka ayaa noo keenay anaguna maxkamada ayaanu hor gaynay.” Shacabka ku dhaqan guud ahaan wadanka Somaliland ayaa si weyn ugu dhag taagaya natiijada ka soo baxda kiiskan dilka ee ay ku eedaysan yihiin todobada qof, iyaga oo lagu eedaynayo inay gaysteen dil aan hor noociisa loogu arag Somaliland. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|