Gabadha Ku Ee Daysan Dilkii Foosha Xumaa Ee Dhawaan Hargaysa Kadhacay Oo Maanta Maxkamada La Horkeenay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadha Ku Ee Daysan Dilkii Foosha Xumaa Ee Dhawaan Hargaysa Kadhacay Oo Maanta Maxkamada La Horkeenay.
March 8, 2014 - Written by Wariye:

maxkamdaHargaysa(Wajaale News)-Maxkamada gobolka Maroodi Jeex  ayaa maanta la hor keenay eedaysanayaasha ku eedaysan  dil loo gaystay  alle haw naxariistee Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle oo lagu  magaalada Hargeysa.

Eedaysanayaasha kiiskan dilka ah loo haysto ayaa la filayey in maanta la furo dacwadooda la xidhiidha kiisankan balse waxaan suura gelin in la gudo galo kiiskan isla markaana eedaysanayaashan loo jaro todobada cisho oo rumaan ah sida uu xaqiijiyey xeer ilaaliyaha  gobolka Maroodi Jeex  Axmed Cismaan Mire oo la hadlay  warbaahinta.

Sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex  kiiskan dilka ah ayaa ilaa hada loo qabtay todoba qof kuwaas oo ku eedaysan falkan, waxaanu xeer ilaaliyuhu sheegay in kiiskan loo qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan.

Ugu horayn xeer ilaaliyaha gobolka MaroodiJeex  Axmed Cismaan Mire oo ka hadlaya eedaysanayaasha kiiskan ee la hor keenay maxkamada gobolka maroodi jeex  ayaa waxa uu yidhi “kiiskaasi waa mid warkiisu cad yahay waana mid aad u fool xun oo jariimad ah, waana hab aynaan dhaqan u lahayn  oo inagu cusub waana lagu guulaystay,  dadkii falkaas ku eedaysnaana  maanta ayaa la hor keenay garsoorka, waxaana xeer ilaalinta loo gudbiyey eedayntii ugu horaysay ee Police-ka, markaas kiiskaas waa la rumaan  gareeyey oo maxkamadii awooda u lahayd u rumaan garaysay in si deg deg ah loo qaado, anagana Police-ka ayaa noo keenay   anaguna maxkamada ayaanu hor gaynay.”
Xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex  oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobada ay ku eedaysan yihiin dadka loo hayo kiiskan dilka ah waxaanu yidhi “Dadkii dilka tooska u  gaystay marxuumada waxay ku eedaysan yihiin qodobada 434 oo lala akhrinayo  qodobka 71 ee xeerka ciqaabta guud, dad aan wali warkoodu cadayn  oo gacansiin ku eedaysan  ayaa jira kuwaas oo uu hayo qodobka 297 xeerka ciqaabta guud hadii ay ku cadaato haddii kale-na ay xoriyadoodu heli doonaan, Dadka eedaysani waa todoba qof oo ah wixii fal danbiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imika la ogaaday ee la helay ayuunbaana eedaysan.” Ayuu yidhi xeer ilaaliyaha maxkamada degmada Hargeysa Axmed Cismaan Mire.

Shacabka ku dhaqan guud ahaan wadanka Somaliland ayaa si weyn ugu  dhag taagaya natiijada ka soo baxda kiiskan dilka ee ay ku eedaysan yihiin todobada qof, iyaga oo lagu eedaynayo inay gaysteen dil aan hor noociisa loogu arag Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS