Gabadh si qalad ah uu uga saareymakaanka dhaqtar ajanabiga ah oo ka hawl gala isnbitaalka new hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh si qalad ah uu uga saareymakaanka dhaqtar ajanabiga ah oo ka hawl gala isnbitaalka new hargeisa
March 30, 2014 - Written by Editor:

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa shaaca ka qaadday in dhakhar ajnebi ah si khaldan makaanka uga saaray gabadh xaalad caafimaad u booqatay cusbitaal ku yaal caasimadda Hargeysa.

qaladkani uu galay dhaqtarkani ruushka ah isla markaana ka wayl gala isbitaalka new hargeisa ayaa waxa ay dhacdadani tahay mid guud ahaanba ku cusub dalka iyada oo tani sidoo kale cadaynasya dabo gal la,aanta ay wasaarada caafimaadku ku samayso dadka ajaaniibta ah ee ay soo kaxaystaan mulkiilayaasha cisbitalada somalialadn lamana oga waxa ku kalifay dhqatar kani in uu sida dhaqsaha ah uga saaro gabdhan makaanka  isaga oo aan baadhitaan ku samayn

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo Jamhuuriya waraysi siisay Khamiistii toddobaadkan, waxay sheegtay in gabadh 30 sanno jir ah ay dhakhtar dalka Ruushka u dhashay ugu tagtay cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa, kaasoo isagoon wax baadhitaan ah ku samayn ku qanciyey inuu hayo kansarka ku dhaca makaanka, kadibna sidaas kaga saaray xubintaas muhiimka ah.

“Bishii hore ee February gabadh oo da’deedu 30 jir tahay ayaa u tagtay dhakhtar Ruush ah oo joogay cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa. Ninkii isagoon

baadhitaan ku samayn ayuu gabadhii ku qanciyey inuu hayo Kansarka ku dhaca makaanka, kadibna saddex maalmood gudahood ayuu gabadhii qalliin ku sameeyey

oo makaankiiba dibadda ka soo dhigay. Sidii kagamuu hadhine qolo kale oo kansarka baadha ayuu u gudbiyey, waxana markii dambe ee baadhitaan dheeraad ah

lagu sameeyey la caddeeyey in gabadhaas xannuunka TB-du haysay, iminka arrintaasi waa mid taagan,” ayey tidhi.

Waxa kaloo ay xaqiijisay in gabadha makaanka laga saaray uu hayey cudurka TB-da ee ku dhaca ilmo-galeenka haweenka, balse nasiib-darro haweenaydaas da’da

yar si khalad ah looga saaray makaanka, arrintaasoo ka mid ah ficillada halista ee dhakhaatiirta aan aqoontooda caafimaad la hubin kula kac

COMMENTS
LINKS