|
|||||
WAJAALE NEWS
FURSAD DIBLAMASIYADED OO KASOO IFBAXDAY KALA GO,A DALKA UKRAINE IYO MADAXWAYNE SIILAANYO OO LAFILAYO INUU KA FAAIIDEEYO(FAALO)
March 20, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (WAJAALENEWS);Sida aanu ka helnay ilowareedyo madaxtooyada u dhow dhow ayaa filayaa in madaxwyne siilaanyo is kugu yeedhi doono dhamaan saraakiishii iyo diblamasiyintii wax kusoo bartay dalka ruushka ah kuwa ugu tiradaban ee Somaliland si ay uga wada tashadaan sidii loo waajihi lahaa fursada siyaasadeed ee ka muuqata ruushaHARGEISA(WJN);Kal hore ayay ahayd markii Somaliland u dabaal degtay sanad-guuraddii 22aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadda qaranimadeedii kaga luntay dalkii Somaliya. Tan iyo xiligaas dad reer Soomaalilaan iyo dawladoodu waxay sameeyeen dedaalo fara-badan oo aayahoooda dib ugu dhiseen waxaana ka mid ah distoor ku-yimi afti dadwayne,dhismaha ciidan qaran, hay’addo dawladeed, lacag iyo hanaanka dimuqraadiga ee dawladdnimo iyadoo dalka ay ka samaysmeen asxaab qaran, nabadgelyo taam ah, doorashooyin dhowr ah oo xor iyo xalaal ahaa. Arrimahaas iyo kuwo kale oo badanba dadka reer soomaalilaan iyagaaa iskood u qabsaday kamana helin beesha caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan dalka markaykanka (iyo dabacan xulafadiisa yurubta galbeed) wax taageer farsamo/maaliyadeed/ la sheegayo iyo garawshiiyo gayi-siiya aqoonsi ay kaga mid noqotay quruumaha xorta ah ee aayahoodda ka tashaday. Waxaa xusid mudan in muddada 22-ka sanadood ah ee ay Soomalilaan jirtay, siyaasada caalamku ahayd mid Maraykan iyo Yurub majaraha u hayaan kadib markii isla sanadkii Somaliland dib-ula-soo noqotay , waa sanadkii 1991-kiiye, ay burburtay awooddii labaad ee dheelitiri jirtay ta galbeedka oo ahayd midawgii soofayayti oo ruushkii hormoodka ka ahaa. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasaddaha dibadda ayaa sheegaya in sababta Soomaalilaan u heli wayday aqoonsi caalami ay tahay hagrasho dhinaca reer galbeedka ah oo kala masuugay inay aqoonsadaan aayo-ka-tashiga shacbiga reer Soomalilaan. Khubaradda siyaasadaha arrimuhu dibaddu waxay intaa ku sii daraan in ku-keli ahaanshaha maraykanku ku keliyaystay hogaanka siyaasadda caalamku (Unipolar World order) ay meesha ka saartay gorgortan ay soomaalilaan samayso madaama aanay jirin awood kale muddaddii 22-ka sanadood ahayd ee Soomaalilaana jirtay, Soofiyeetigiina ka maqnaa jaan-gooyadda majaraha siyaasadeed ee dunida manta.
Gobolka Karaamiya (Criema) oo hore uga tirsanaa dalka Ruushka balse ku biiray Ukrain sanadkii XXXX ayaa waxay kacdoon shacbi ku dhacay madaxwayne ee Ruushku wateen oo la yidhaa Yufasheenko oo imika dayro iyo magan-gelyo siyaasadeed ku jooga dalka Ruushka. Kacdoonka shacbi ayaa wuxuu dhacay kadib markii madaxwayne yufasheenko heshiis iskaashi oo uu la gali lahaa Yurub ku doorsaday mid Ruushka soo bandhigay oo uu is tusay inay Danni ugu jirto dalkiisa. Haddaba markii madax-waynihii doorashada ku yimid la riday ayaa dawladdu Ruushku diiday inay aqoonsato maamulkii ku meel-gaadhka ahaa oo u muuqday mid u janjeedha dhinaca reer galbeedka. Waxaa kale oo dhacday in gobolka Crimea oo ka mid ahaa Ukrain balse lahaa maamul-daakhili ah baarlamaankiisu fadhiistay isla markaana go’aamiyay inay gooni-isku taagaan; arrintaasna lagu go’aamiyo afti dadka reer Karaaymiya (Crimea) laga qaado. Aftidaas ayaa dhacday muddo afar maalmood hadda laga joogo waxayna dadka reer Karaaymiya ku doorteen inay dib uga baxaan dalkii Ukrayn kadibna iyagu aayahooda go’aan ka gaadhaan hadday ay dib ugu noqonayaan Ruushka iyo Haddii kaleba. Natiijadda aftidadaa oo noqotay dib uga bixistii Ukrayna ayaa ka gaashaanka ku dhuftay Maraykan iyo Yurub oo sheegay in qori-caariddii Ruushku an ku goyn Karin Crimea halka Ruushkuna ku dooday inuu aqoonsan yahay doonista iyo rabitaanka dadka gobolka Crimea.
Waa maxay fursadda diblomaasiyadeed Haddaba waxaa is waydiin mudan maxay tahay fursadda diblomaasiyadeed ee Soomaalilan ugu jirta muranka Ruushka oo dhinac ah iyo Ukrain, Maraykan iyo Yurub oo dhinaca kale ah ? Jawaabta su’aashan oo aanu makarafoonka la dhex marnay diblomaasiyiin, aqoonyahan iyo wax-garad kale oo reer Somaaliland ah ayaa waxaa lagu soo ururin karaan dhowr qodob. Waa ta koowaad’e, dib u soo noolaanshaha awood Ruushka ee arrimaha caalamka ayaa ah mid Soomaalilaan fursad u siinaysa inay hesho cid kale oo u dhaga-nugul qadiyadeeda. Ama taa badelkeed waxay reer Maraykan iyo reer Yurub ay imika u guntan doonaan in dadyow kale oo la saaxiib la ahaa iyagu aanay farahooda ka bixin sida gobolka Crimea ama Jamhuuriyadda Soomaaliland. Ta labaad, waxaa dalka Soomaalilana uu xidhiidh dhow la lahaa Ruushka xilligii Soofiyeetiga waxaana laga fakari karaa in midho laga dhaliyo xidhiidhkaas hore. Tusaale ahaan Ruushku wuxuu dhisay madaarka caalamiga ee magaaladda Berbera oo ah kan wayn afrika ee labaad. Waxaa kale oo jirtay in Siyaasiyiin, saraakiil ciidan oo badan iyo madax kale oo reer Soomaliland ahi wax ku soo barteen dalka ruushka waxaana ka mid ah hogaamiyaha xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha wakiiladda, gudoomiyaha xisbiga UCID oo isagu waxbarashadiisii ku qaatay Ukrain oo ka tirsanayd Ruushka, Guudomiyaha Kulmiye iyo Gudoomiye-ku-xigeenkiisa kowaad, , Taliyihii hore ee ciidanka qaranka iyo taliyaha imika hayaba iyo kuwo kale oo badan. Ta sadexaad, waxaa dhawaan uu Xasan Sheekha Muqdisho u diiday dawladdu ruushku inay safaaraddeedii ka furato magaaladda muqdisho isagoo ku shaqaynaya rabitaanka dawladaha reer galbeedka isaga maqaar-saarka ka dhigtay. Ta afraad una dambaysa, Soomaalilaan haddii ay doonayso inay aqoonsi iyo garawshiiyo u hesho qaddiyadeeda waxaa laga rabaa inay iyadduna aqoonsato una garawdo dadyowga iyagu aayahooda sida salmiga ah uga tashaday sida kuwa tahay dalka jamuuriyada Somaliland ;
dunida markii Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax-banaanideedii sanadkii 1991-kii, ayaa Dalka jamuuriyada somliland oo ah dal degan kuna guulaystay dhimaha dawladnimo dhamaana seeska udhigay hanaanka dimuqraadiya ay ku faanaan wadamada hore umaray Somaliland ayaa fursad siyaasadeed oo ay ku gaadhi karaan aqoonsi dawladnimo uga soo baxay arimihii kasoo kordhay dalka Ukraine islamarkaana aduunkun aad ugu kala aragti duwan yihiin siiba quwadaha waawayn ee reer galbeedka iyo ruushka walina ka taagan yahay moran siyaasadeed oo xoogan Fursada siyaasadeed Madaxwayanaha Somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ah rug cadaa siyasadeed mudo badana kusoo dhex jiray siyaasada geeska gaar ahaan Somaliland. . Sida aanu ka helnay ilo madaxtooyada u dhow dhow ayaa tibaaxay in madaxwyne siilaanyo igu yeedhi doono dhamaan saraakiishii iyo diblamasiyintii wax kusoo bartay dalka ruushka ah kuwa ugu tiradaban ee Somaliland ,iyo halgankii snm hormuudka ka ahaa Iskugu yeedhida saraakiisa ayaa lafilayaa inay sobobtay si ay madaxwayanah ugu siigogol xaadhaan buuqasho uu tagidoono dalka ruusha caasimadiisa mosco, waxa kale oo ilo wareedyadani tibaaxeen in maalmaha soo socda si degdega ugu anbabaxaan casimada rusia ee mosco Dawlada ruushka ayaa somaliand ku leh raadad muuqda oo ay kamid tahay inay wax kusoo barteen dhamaan hogaamiyayasha ciidamada ,hogaanada xusbiyad dalka iyo masuuliyin kale oo badan Waxa kale oo ruushku somaliand ku leeyahay amaba ka hir galiyay madaarka geeska ugu way nee ay diyaaraduhu ka haadan oo ah magaalada barbera ee gobolka saxil iyo meelo kale oo ad laagu xasuusto midawgii soofiyeeti ARINTA MUHIIMKA U AH SOMALILAND HADII MADAXWYNE SIILAANYO KA DHABEEYO KALA SOCO WAJAALENEWS WIXII KASOO KORDHA;
WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Daawo:"Dawllad-Yahay Fashilantay ee Jilicsani, Ma Maantay Gaadhay In Dadkeenii. Jilicdasanaa Loogu D... Wasiir Cukuse oo Markii u horaysay ka hadlay Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo ceeb u leeyahayna cidkal... Laba Kamid Ah Ciyaartoyga Xulka Gobolka Badhan Oo Maalintii Shalay Lagu Dhaawacay Garoonka Hargeysa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|