ENG CALI XOOR XOOR Masuul Ku Dayasho Mudan Dakeda Barberana GaadhSiiyay Horumar AY Caalamka Kula Tartami Karto; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ENG CALI XOOR XOOR Masuul Ku Dayasho Mudan Dakeda Barberana GaadhSiiyay Horumar AY Caalamka Kula Tartami Karto;
March 16, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS Mareeyaha dekada Barbera ayaa mudadii uu xilka dekada hayay ku talaabsaday horumar lataaban karo isagoo dekeda Barbara ee caalimiga ah kusoo kordhiyay adeegyo casriya dekaduna aad ugu baahnayn islamarkaana wuxuu xidhiidh caalamiya lasameeyay ,maalagashadayaal ,dunida horumartay ka tirsan wuxuuna fudaydiyay adeega dekada;

cali xoor xoor

Dhawaan ayaa mareeyaha dekada barbera socdaal shaqo ku tagay wadamo afrika katirsan si uu usoo dhindho indheeyo habka shirkada faransiiska ah ee dekada barbera danaynaysaa aay dib u dhiska ugu samaysay dekedaha ay maamusho oo kuyaala qaaradan afrika iyo adeegyada ay qabato , oo aynu ka tirsan nahay. Arintan ayaa noqotay masuulka kaliya ee intuuna heshiish lagalin shirkadii soo hubiyay habka ay u shaqayso iyo adeegyada ay u samaysay dekadii hore ay usoo maamuli jirtay shirkadan faransiiska ah waana waxyaabaha kuu cadaynaya aqoonta, masuuliyadu ku dheehan tahay ee ka muuqda eng cali xoor xoor

Dekada barbera port ayaa mudooyinkii udanbeeyay adegeedu noqday mid lamida habka  dekadaha calamku  u shaqeeyaan islamarkaan adegeedu yahay mid soojiitay wadamada jaarka aynu nahay waxna kala soo dagaan iyadoo ay horseedka tahay dawlada Ethiopia iyo ganacsatadeeduba, oo sixawliya wax ugalasoo dagayay mudooyin dhawayd

Waxaa  lafilayaa in dhawaan labilaabo mashruucii barbera coorldoor oo dhaqaalihiisa ay bixinayso eu iyo midowga afrika oo iskaashanayo dadaalka mashruucan ayaa waxaa labilaabay xiligii daahir riyaale xilka madaxtinimo hayay eng cali xoor xoor oo isna xiligaa ahaa mareeyaha dekada hadana lafilayo inuu dhamayrtirkiisa uu ku guulaysto, waxaana xusidoonta taariikhda eng cali xoor xoor

 

Qalinkii wariye; maxamuud maxamed ibraahim

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS