|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Kenya OO ku amartay dhammaan dadka qaxootiga ah ee dalkaas ku sugan inay tagaan labada xero ee Dhadhaab iyo Kaakuma,
March 26, 2014 - Written by Editor:KENYA(Wajaalenews);Dowladda Kenya ayaa ku amartay dhammaan dadka qaxootiga ah ee dalkaas ku sugan inay tagaan labada xero ee Dhadhaab iyo Kaakuma, kaddib weerarkii toddobaadkan horraantiisii lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Mombasa. Dhammaan muwaadiniinta Kenyanka ah ayaa sidoo kale lagu wargeliyey inay booliska usoo gudbiyaan macluumaad kasta oo ku saabsan muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugan meel ka baxsan xerada Dhadhaab oo ku taalla bariga Kenya iyo Kaakuma oo iyaduna ku taalla dhanka waqooyi-galbeed. Amarkan waxaa shaaciyey wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku, isagoo sidoo kale xusay in cid kasta oo amarkan iska dhega tirta tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. “qof kasta oo qaxooti ah oo lagu helo inuu amarkan jebiyey, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” Ole Lenku ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey in 500 askari oo dheeri ah lagu kordhin doono booliska ka hawlgala magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Lenku ayaa dhanka kale xusay in la xiri doono dhammaan xarumaha qaxootiga lagu diiwaan geliyo ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn. Labada kaam ee qaxootiga lagu amray inay tagaan ayaa ku yaalla geeri go’an (meel cido ah) waxayna la ciirciirayaan boqollaal kun oo qaxooti ah oo horay halkaas ugu sugnaa. Dhadhaab waxaa ku nool in ka badan 400,000 oo qaxooti ah kuwaasoo ay xaaladooda nololeed tahay mid aad u liidata, una badan qaxooti kasoo haajiray dhinaca dalka Soomaaliya. Xerada kale ee Kaakuma oo iyaduna ku taal goob lama-degaan ah, waxaa ku jira qaxooti kor u dhaafaya 125,000 oo qof, dadkaas oo ka kala yimid dalalka gobolka, qaar badan oo Soomaali ahina ay ku jiraan. Gudaha dalka Kenya waxaa ka dhacayey weerarro joogto ah laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda. Weerarkii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee tan iyo sanadkii 2011 Kenya ka dhacaa wuxuu ahaa kii lagu qaaday xaruntii laga dukaameysan jirey ee Westgate mall bishii September ee sanadkii hore 2013, weerarkaas oo 67 qof ay ku dhinteen tiro kale oo intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab. Related posts:DAAWO; Dhacdo Naxdin leh; Wiil 14 jir ah Oo Ku Geeriyooday Barkad Biyood Liqday Duleedka Magaal... Xasan Ciise Oo Ka Jawaabay Sababta Ay Uga Baaqdeen Xuska SNM, Kana Hadlay Arinta Muddo Kordhinta, Wa... Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Tahli Kari La' Wax Ka Qabashada Sarifka Lacagaha Qalaad Oo Qaaliyoobay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|