D/Hoose Ee Hargeysa Oo Soo Bandhigay Khariirad U Gaar Ah Caasimada Oo Dadka Ku Cusub U Sahlaysa Inay Tagaan Goobaha Ay Doonayaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
D/Hoose Ee Hargeysa Oo Soo Bandhigay Khariirad U Gaar Ah Caasimada Oo Dadka Ku Cusub U Sahlaysa Inay Tagaan Goobaha Ay Doonayaan
March 27, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa shalay soo bandhigtay Qariirad caasimadda oo dadka ku cusub u tilmaamaya goobaha ay muraadka ka leeyihiin.

Khariidad samayntan waxa isla kaashaday Dawladda Hoose iyo UN-Habitat, taas oo hoteel Maansoor ku soo bandhigeen Mape-ka magaaladda Hargeysa oo qofkasta ka helayo goobtu u baahdo sida Hoteeladda, xafiisyadda dawladda iyo goobaha muhiimka ah.

Kulan lagu soo bandhigayey waxa ka soo qaybgallay Xoghayaha Dawladda Hoose, xildhibaanadda golaha deegaanka iyo madaxda Hay’adda maalgalisay.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay  kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay  yeelan doonto caasimada Hargeysa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida khariiradan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala, waxaanu sheegay inay hirgelinta arintan kala kaashadeen hay’adda UN-Habitat oo ka caawisay fulinta barnaamijkaas.

“Dawladda hoose waxay samaysay goobihii muhiimka ahaa iyo wadooyinkii inay galiso mapekan oo qofkii ku cusub ama aan kala garanayn u sahlaysa inay goobta ay rabaan iyadoo cidi tilmaamin toos u tagaan, waxaana mapelkan dhigi doonnaa madaaradda”ayuu yidhi Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ka hadlayey Mapekan cusub ee ay caasimadda u sameeyeen.

Sidoo kale, waxa kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay yeelan doonta caasimada Hargeysa, waxaana ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emrah Andenis,  waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradan, waxaanu sheegay in khariiradan cusub ee ay u sameeyeen magaalada Hargeysa ay u sahlayso dadka aan kala garanayn magaalada inay si dhibyar u helaan halka ay doonayaan  gaar ahaana hudheelada waaweyn iyo waddooyinka caanka ah ee dhex mara caasimada Hargeysa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS