Dariiqa guusha iyoXaqiijinta Himilada! Q.1aad.Qalinkii Suleiman Bashir Omar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dariiqa guusha iyoXaqiijinta Himilada! Q.1aad.Qalinkii Suleiman Bashir Omar
March 18, 2014 - Written by Editor:

Allaa mahadleh, ammaanoodhan isagaayaaleh, qofka uu hanuuniyo ayaahanuunsan, ninkuulumiyana wax hanuuninkaraa ma jiraan.

Waxaan kaga hadlidoonaa qormadeenan oo ka koobnaandoonta dhawrqaybood rabitaankaguusha, sida ugu fududee lagu gaadhi karo iyo astaamaha guusha ama qofka guusha raba.Qormadaanwaxaan u doortayinaan intii karaamkayga ah inooga iftiimiyo guusha iyo waxay tahay oo ah waxa qofkastaa manta uu u ooman yahay inuu helo gaar ahaan dhalinta hada nolosha bilaabaysa ama sookoraysa oo hiigsanaaya meelo kala duwan qabana fikiro kala duwan, akhristoow adiguna kamid tahay.Marka la soco qormada anoo wax badankaabadali doonta!!!!

Intaas kadib, waan hubaa inaan dhamanteen rabno inaan guulaysano Aakhiro iyo Aduunkaba, Allaha inagu hago dariiqa Guusha dhamaanteenba.

Guushu waa shay qofkasta raadinayo, waashayga aandhamaanteen kamidaysanahay, waashayga Alle (SWT) ugu baaqaydhamaanbani-aadamka isagoo sabab ugadhigay raacitaankaWadadatoosan ee uu Alle iyo rasuulkiisa Suubaniba inafarayaan. Waa shayga ka sheekaynteedu fududahay balse xaqiijinteedu aad u adagtahay, waa shay ka dhaxeeya Aadamaha dhamaanti, waana waxa qofkastoo inaga mid ahi uu ku seexdo kuna sootooso isagoo kafikirayasid uu wax walba ugu guulaysanlahaa Ifka iyo Aakhiradaba, isagoo ka eegaya dhinacyobadanoo uu aaminsanyahayinayguushu ka dhawdahay. Hadaba guuldoonow ma tahayqofdiyaar u ah guul If iyo Aakhiro ah??

Waa waxa uu qofkasta oo inaga mid ahi uu subax walba ugu kalaho qabashada shaqo cayiman, taas oo uu aaminsanyahayinay wax ku kordhinayso halka uu rabo inuugaadho.
Guushuwaa wax layskudayey in inbadan la ogaado, ama la helo dariiq loo maro, balse intaanan guda galin sida loo guulaysto aan horta eegno Maxay tahay Guusha dhabta ah?

La soco qaybaha danbe oo aad kuu xiisa galindoona, oo aan filaayo inaadka helidoonto jawaabta Su’aalo badanoo maskaxdaada kaguuxaya iyo tilmaamo kaa caawindoona inaad gaadho himiladaada.

 

” ALLAA MAHAD LEH“.

Suleiman Bashir Omar

Borama, Somaliland

Email: ibnubashiir99@gmail.com

COMMENTS
LINKS