Dalladda SONYO Iyo Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Koox Dhallinyaro Ah Shirkad Ganacsi Ugu Abuuray Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalladda SONYO Iyo Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Koox Dhallinyaro Ah Shirkad Ganacsi Ugu Abuuray Laascaanood
March 24, 2014 - Written by Editor:
LASCANOD(WAJAALENEWS);“Mashruucan Oo Dhammaan Gobolada Dalka Ka Hir-Galay Waxa Uu Xoojin Doonaa Wax Wada Lahaanshaha Iyo Awoodda Hal-Abuur Ee Dhallinyarada” ………Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani

Laascaanood (WJN)- Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee ururada dhallinyarada Somaliland Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ay weheliyaan masuuliyiinta heer Gobol ee Gobolka Sool ayaa xadhiga ka jaray shirkad ganacsi oo ay dalladdu ku wareejisay 10 xubnood oo dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dhallinyaradii ku tartantay mashruuca maalgashida iyo wax wada lahaanshaha ee ay dalladdu muddoba ku hawlanayd sidoo kalena dhammaan gobolada kale ee dalkana laga soo hor geliyey kaasi oo dhallinyarada reer Laascaanood ay ku guulaysteen in ay dalladda ka helaan deeq loogu abuuray shirkad ganacsi oo dhinaca qalabka Elektarooniga iyo Cosmetics-ka ah oo lagu magacaabo Sool Electronic and Cosmetics kaasi oo ay iyagu fikirkeeda lahaayeen oo ay ku tartameen.

>

Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha SONYO Md. Mubarak Ismaaciil Taani ayaa dhawaan magaalada Laascaanood ka soo furay shirkaddan ganacsi ee sida weyn wax uga taraysa la dagaalanka shaqo la’aanta iyo dhiirri gelinta in ay dhallinyaradu wax wada qabsadaan oo ay fikir la yimaadaan dalkoodana aaminaan.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay xafladda xadhig ka jarista kambanigan waxa ka soo qayb galay badhasaab ku xigeenka Gobolka Sool, Maayarka Magaalada Laascaanood Md. Cabdiqaadir Jaamac Saalax, Guddoomiyaha SONYO Md. Mubarak Ismaaciil Taani, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka mid ah xubnaha golaha sare ee dalladda SONYO ahna xubin laga soo doorto Gobolka Sool iyo xubno kale oo ka mid ahaa shaqaalaha dalladda.

Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarak Ismaaciil Taani waxa uu mahad ballaadhan u soo jeediyey Hay’adaha IOM, USAID iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ah Wasaaradda ay sida tooska ah uga wada shaqaynayeen Mashruucan qiimaha badan.  

Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik waxa uu sidoo kale dhallinyarada ku guulaysatay mashruucan kula dardaarmay in ay fursaddan ka faa’iidaystaan isaga oo ku dhiirri geliyey in ay ganacsigoodan kobciyaan, kuna dadaalaan wax wada lahaanshaha iyo dareenka walaaltinimo si ay uga midho dhaliyaan nafahooda iyo ta dalkoodana ugu anfacaan oo aanay khasaarin ujeeddii dalladdu ka lahayd hirgelinta mashruucan oo ah mid sidoo kale laga wada qabtay dhammaanba lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland.

Maayar magaalada Lascaanood Md. Cabdiqaadir Jaamac Saalax oo isagu ahaa masuulkii sida rasmiga ah shirkaddan ganacsi xadhiga uga jaray ayaa sheegay in uu isaga laftiisu dadaalka midhihii SONYO ka soo baxay ka mid yahay xilka uu maanta hayaana ka yimid dadaalkii SONYO ku xaqiijisay in ay dhallinyaradu talada dalkooda ka qayb galaan oo wax ku yeeshaan. Maayarka Magaalada Laascaanood waxa uu SONYO ku bogaadiyey in ay wax weyn u qabteen Laascaanood maadaama ay ka hir galiyeen mashruucan lagu kobcinayo dhallinyarada waxaanu dhallinyarada iyo dadweynaha Laascaanod kula dardaarmay in ay dadaalada dalladdu waddo kala shaqeeyaan.  Badhasaab Xigeenka Gobolka Sool ayaa isna xusay sida loogu baahan yahay in dhallinyaradu uga faa’iidaysato barnaamijkan qiimaha badan ee SONYO dhallinyarada ugu abuurtay ganacsiga isaga oo SONYO ugu baaqay in ay sii wadaan dadaalkaasii qiimaha badan ee ay u galeen wax u qabashada dhallinyarada iyo sidii loola tacaali lahaa shaqo la’aanta iyo Tahriibta oo ah labada arrimood ee wakhtigan dhibaatada weyn ku haya guud ahaan dhallinyarada reer Somaliland. Masuuliyiintani waxa ay ballan qaadeen in ay dhallinyarada gobolka Sool ku garan taagan yihiin dadaalada noocan oo kale ah ee lagu kobcinayo nolosha da’da yarta reer Somaliland.

Ugu dambayn xubno ku hadlay magaca dhallinyarada fursaddan ganacsi ee  ah loo abuuray ku guulaysatay ayaa SONYO uga mahad naqay fursaddaasi dahabiga ah ee ay u fidiyeen iyo sidii ay ugu guulaysteen in mashruucani heerkan soo gaadho oo sidan loogu guukaysto, waxaanay ballaan qaadeen in ay sida ugu habboon uga shaqaysan doonaan shirkaddan oo ay kobcin doonaan si ay noloshooda ugu maareeyaan. Iyaga oo ballan qaaday in ay is ixtiraami doonaan kuna dadaali doonaan sidii ganacsigoodani u guulaysan lahaa iyaga oo wada jir

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS