Dalka Sucudiga oo Soo celiyey Markabkii labbad oo Geel ka qaada Berbera | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Sucudiga oo Soo celiyey Markabkii labbad oo Geel ka qaada Berbera
March 31, 2014 - Written by Editor:

BARBERA(Wajaalenews);Muddo Saddex Todobaad Gudahood  ayaa markabkii labaad oo xoolo Geeel ah siday dib looga soo celiyay saylada ugu wayn ee xoolaha soomaalida lagu kala iibsado ee jidah dalka sacuudi carabiya, ganacsatada reer Somaliland ee saldhigoodu yahay Berbera  kana ganacsada  xoolaha  ayaa markii ay warkaa maqleen anfariir ka qaaday sababta xoolahaa loo soo celiyay maadaama  u sitay shahaadada Macjarka aljaabiri oo cadaynaysa in xoolahaa la sugay caafimaadkooda, Markabkan o magaciisu ahaa IIMAAN ayaa waxa u qaaday 11600 o adhi ah iyo 1280 Geela, Waxaana la xaqiijiyay in Adhigii Laga rogay oo uu iibgalay Laakiin geelaa Dib loo soo Celiyey, Markabkan yaa ka shiraaqday dekada Berbera 26/3/20014 habeenkii arbacadu soo galaysay

Ganacsatada xoolahan raray ayaa waxyaabo  kala duwan Aaminsan in ay  sababeen soo celinta xoolahan,waxaanay qaarkood Eedaynayaan Maamulka Macjarka Aljaabiri o ay leeyihiin  Isaga ayaa ka masuula soo celinta xoolahaa maadaama ay u  xil saarnaayeen Caafimaadinta iyo dawynta xoolaha intaanay ka dhoofin Dekada Berbera,Xubno kale o ganacsatadaa ka mida ayaa  Aaminsan in Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland iyo Dhakhaatiirta ku sugan Berbera e wasaaradaasii ay gabeen masuuliyadoodii e ogaanshaha caafimaadka xoolaha iyo Kantaroolidoodaba Waxaanay ku eedaynayaan  iyadoon war cad laga soo saarin Markabkii Taiba e xoolaha soo celiyay Arinkiisii Cidii danbiga Lahayd  waaayo ayay yidhaahdeen dhibtii waxay ku dhacday ganacsatadii o laba kharash ku dhacay,

Si kastaba ha ahaatee  ganacsatadani Waxa kale o ay eedaymo usoo jediyeen Dhawaanta Qoraal ay kaga hadlayeen Markabkaa hore e lasoo celiyay Xoolihii u qaadya  e Geela ahaa  Lacagta Adagina kasoo Wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Awdaahir  o ay  Sheegeen in uu ka Gaabiyaya Masuuliyadiisii ka Saaarnayd Ilaalinta  Dhoofka Xoolaha iyo Caafimaadkoodaba Waxaanay intaa ku dareen Qoraalkoodaa hore in Wasiirku diidayin u  la kulmo ganacsatada Xoolaha  Xiligaa u ku sugnaa Berbera e Markabkaa Taibe Xoolihii u qaaday lasoo celiyay

Dhoofka Xoolaha oo ah Lafdhabarta Dhaqaale e ugu wayn dalka Somaliland Lacagta adagina kasoo gasho ayaad moodaa runtii in aan loo hagar bixin waayo xooluhu markay soo gaadhaan Berbera o ah Gobta aynu ka  Rarno dhib badan ayay la kulmaan o ay ka mid tahay Wado xumo ka haysata Marka macjarka laga soo dareeriyo  sida Laami ay kusoo Beegmaan o ka gudbintooda rafaad ay kala kulmaan shaqaalaha raaciga ah, Gaadiidka o kala xidhma inta xooluhu socdaan mar marna dhaawacba u gaysta xoolaha  wadada maraya, , xaafado ay dhex maraan o dadku dhibsadaan intaa waxa u dheer marka ay dekada galaan markabka la saarayo o inta badan lagu Raro xoolo kabadan intii qaadkiisu ahaa, Maraakiibta o ah Qaar daalay o marmar ka qaarkood ay  xumaadaan hawaayadaha  hawada ay ka Helaan Xooluhu maadaama jawigu Kulul yahay , Maraakiibta Qaarkood o asalkoodu ahaa Kaargo ama kuawa xamuulka qaada  o laga dhigay Xoolo qaad ama Livestock ship o aan wax badan o xooluhu u baahnaayeen aan laga helayn sida sistemka biyaha iyo calafsiintaba, intaaba waxa kasii daran maraakiibtan o aan ku jirin Ekshoorent Caalamiya o haduu dego ama Xooluhu ku madhaan  inta u sii socdo ma jirto meel ganacsatadu u raacanayaan xoolahoodii

WAJAALENEWS DESK

BARBERA; OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS