Dalada Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Sonsaf Oo Maanta Hargeysa Ku Qabatay Kulankii Labaad Ee Lagaga Hadlo Caqabadaha Haysta Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalada Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Sonsaf Oo Maanta Hargeysa Ku Qabatay Kulankii Labaad Ee Lagaga Hadlo Caqabadaha Haysta Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland
March 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS;dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa kulankii labaad u qabatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland

Kulan oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa waxa ka soo qayb galay guud ahaanba qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland ayaa daba socday kulamo hore oo lagaga hadlayey sidii ay warbaahinta Somaliland iskaga war hayn lahayd isla markaana lagu darsayey caqabadaha  haysta warbaahinta somaliland.

Gudoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Mustafe Sacad Dhinbiil oo ugu horayntiiba ka hadlay kulankan ayaa sheegay inay warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland soo martay marxalado kala duwan waxaanu yidhi “kulankeenani waa mid lagu lafa gurayo baahiyaha warbaahinta Somaliland haysta, waynu ognahay in saxaafada Somaliland dhidibada loo taagay markii wadankeenu uu madaxbanaanidiisa la

soo noqday, waynu ogayn sidii ay dawlada Siyaad Bare ula dhaqmi jirtay wadankeena inaanu lahayn warbaahin madax banaan, warbaahinteena madaxa banaanina marxalada kala duwan ayey soo martay oo mid waliba waayaheda lahayd.” Ayuu yidhi gudoomiyaha dalada Sonsaf Mustafe Sacad.

 Sidoo kale gudoomiyaha rururka suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf oo isaguna kulan ka hadlay isaga oo ka waramay kaalinta ay dalada Sonsaf kaga jirto horu marinta warbaahinta Somaliland, waxaanu xusay in loo baahan yahay in la ogaado caqabadaha haysta warbaahinta Somaliland ee u baahan in laga hadlo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdi Waaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan waxaanu sheegay inaanay xukuumada Somaliland ee wakhtigani jirtaa aanay wax cabudhin ah ku samayn warbaahinta madaxa banaan ee dalka ka jirta, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in kor loo qaado heerka aqooneed ee suxufiyiinta Somaliland isaga oo sheegay inay muhiim tahay horu marinta warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa kii labaad ee ay dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf qabato ee lagaga hadlayo caqabadaha  haysta warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAILWAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS