Dakhliga ShirkadaTelesom Dalka Kasoo Gala Iyo Cashuurta Ku Waajibtay(faalo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dakhliga ShirkadaTelesom Dalka Kasoo Gala Iyo Cashuurta Ku Waajibtay(faalo)
March 26, 2014 - Written by Editor:

Telesom ma la odhankaraa sixir-bararka sarifka qayb wayn bay ka qaadataa? Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa? Telesom faa’iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?

telesom
HARGEISA(WAJAALENEWS);Shirkadda Telesom (BARAKAAT) waa shirkadda isgaadhsiineed waxaana la aasaasay somaliland 2001, wakhtigaa oo suuqa ay ugu sii horeeyeen labada shirakaddood ee kala ah Soltelco iyo STC, oo si dhakhso ah ay kala baxday suuqa, isla markaana 90% gacanta ku dhigtay maacaamiisha Somaliland.
Imika oo ay tahay dabaayaaqaddii sannadda 2013 ka waxaynu odhan karnaa saddex meellood oo laba meelood (2/3) shacabiga Somaliland aya isticmaala telesom siyaabo kala duwan (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G)

Shacabka ku nool Somaliland waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3.5 million ilaa 4 million yar iyo waynba.
Sida aynu hore u soo tilmaanay Shirkada telesom waxa isticmaala saddex meeloodoow laba meelood (2/3) 3.5 milyan wadarta guud ee shacbiga Somaliland oo u dhiganta 1.75 million (1,750,000 qof Hal milyan iyo todoba boqol iyo konton kun oo qof) oo siyaabo kala duwan u isticmaala (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G)

Lasoco qoraalada  danbe waxaynu kaga hadli doonaan dhaqaalaha soo gala iyo cashuuraha ku waajiba

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS