|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadka gobolka Crimea(Kiriimiya) ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in gobolkaasi uu ka go’o Ukraine, kana mid noqdo Ruushka
March 17, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS ;Dadka gobolka Crimea(Kiriimiya) ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in gobolkaasi uu ka go’o Ukraine, kana mid noqdo Dowladda Federaalka ah ee Ruushka, kaddib afti laga qaaday shalay oo Axad ahayd. Natiijo hordhac ah oo la shaaciyey isla gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu ogaaday in dadka afti-ururinta ka qayb qaatay 95% ay u codeeyeen in Crimea uu noqdo gobol Ruushka raacsan. Xukuumadda Moscow oo ciidamo 20,000 oo askari kor u dhaafayaa ay Crimea ka joogaan, waxay sheegtay inay xaq u leedahay difaacista danah gobolkaas kaga xiran. Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan gobolka Crimea ayaa ah tii ugu xooganeyd ee ka dhex dhalata Ruushka iyo dalalka kale ee Reer-galbeed wixii ka dambeeyey Dagaalkii Qaboobaa.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;- Midkamid Ah Beelaha Dega Gobolka Gabiley Oo Shaaciyay Musharaxa Ay Udoorteen In Uu Ku Matalo... Dawlada Itoobiya Oo Shaqadii Ka Joojisay Laba Haayadood Oo Arimaha Gargaarka Kaga hawl gali jiray g... DAAWO;Wasiir Warancade Oo Masaajid Khudbad uga Jeediyay Dadweynaha Reer Gabiley Isla Markaana Sheeg... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|