|
|||||
WAJAALE NEWS
DAD CADAALAD WAAYEYE SIDII CAWSHA KALE YAACYEE
.. !!!! Abdirisaaq Alyoos.
March 3, 2014 - Written by Wariye:Waxaa maalmaahii u denbeeyeye bulshada caasimadu aad u hadal haysay marxuumada haatan taala hospitaalka hargeisa Bulsha kasta oo caalamka ku nooli waxay leedahay ,xeer iyo madaxkabado,iyo waliba garsoor,waxaa looga den leeyahay arrimahaasi oo dhan sidii ay bulshada meel ugu wada nooli,ay u heli lahay cadaalad dhab ah oo ka soo baxda bahda garsoorka Somaliland,jeelasha ayaa waxaa ka buuxa gacan ku dhiiglayaal fara badan ,iyada oo aanay kiisasa kaasi aana in muda ahba maqal waxbaa laga qabtay,ama sanado aad u fara badan ay jeelasha uun ku jiraan, miyaanayaan odhan Karin hadii la fulin waayo dhacdooyinkaasi dilalaka ah in ay bulshada ku sii fidi doonana dhacdooyin ka sii xun ,iyada oo aynu la wada socono in maalin kasta ay Somaliland ku soo biireyaan dhacdooyin ugub ku ah,oo ay soo if baxayaan markii maxkabadihii ay waxba xukumi waayeeyn oo ay jeelasha buuxiyeen danbiiyaal fara badani,in qof kastaaba ku dhiirado in uu falka uu doono sameeyo. DHACDO UGUB AH…. Waxaa maalmaahii u denbeeyeye bulshada caasimadu aad u hadal haysay marxuumada haatan taala hospitaalka hargeisa oo meydkeeda la la,aa mudo (week ) lagu qiyaasay ,hadii aanay ka sii badnaynba. Waa dhacdo ugub ah oo ku soo biirtay bulshada caasimada in qof la dilo,hadana guriga hog looga qodo oo lagu dhex aaso, subxaanahaa, In badan oo bulshada caasimada ka mid ah ayeye waxay ku noqtay AF KALE QAAD ARRINTANI AMA DHACDADANI. Abaaro shalay ayeye ku beegnay markii hospitaala weyn ee hargeisa ay soo buux dhaafiyeen bulsho aad u tira badani oo ay ku noqtay arrintani mid ay maskaxdoodu qaadi weyday,bulshadaa oo u badnayd dumar,maadaaama ay falka cida fulisay ay ahayd qof dumar ah,qof kastaaba waxa uu isku dayeye in uu maqlo,xog dhab ahna ka helo arrintani,ciidamada nabad galyada ayaa la wareegay dhaman alaabada hore ee hospitaalka si loo joojiyo bulsho tiro badan oo ku soo qulqulaysay hospitaalka hargeisa,maadama ay bukaan badani jiifaan oo aan u baahnay buuq balse daryeel u baahan…… Waxad mooda in qeybta investionka ama baadhitaana ee ciiidamada in aanay khibrad badan lahay,maadama ay ilaa in muda ahba ay arrintani ay ku mashquulsanaayeyen,furdaaminteeda,hadii ay noqto aqoon xeel dheer oo la siiyeye qeybta denbiyada baadha ama qalab arrimahan oo kale lagu baadho marka ay dhacaan si kastaba arrintu ha ahaatee,dhacdooyinku waa ay sii kordhayaan ,hadii aan si degdeg ah wax looga qaban,waxaanay u baahan tahay in ciidamada amniguna ay u dhaga nug la,aadann shacabkooda,aqoontoodana la kordhiyo iyo waliba qalabka wax baadhido. Hadaba bulsho kasta oo meel ku wada nool waxaa deeqda oo kaliya cadaalada,hadii aanay cadaaladi jirinna bulshadaasi waa ay jabtaa,hadii ay jirtana waa ay horu martaa,hadaba habda karsoorka waxaa kula talin lahaa in kiisaska is dul hogana maxkabadaha dalka in la fuliyo sida ay u kale culus yihiin si ay bulshadu cadaalad u helo. GABO,GABO Maqaalkan haleelka ah waxaan akhristaal ku soo gabagabeyenayaa,illahay khayrka ha ina garan siiyo ,xaasidkana ha inagadhex qabto, Cadaalada illahay ha inoo sugo….. DAD CADAALAD WAAEYEYE SIDA CAWSHA KALE YAACYEE!!! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|