|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamadda Amaanka Oo Gudaha Somaliland Ku Qabtay Koox Doonaysay Inay Hargeysa Qaraxyo Ka Fuliso Oo Xadka Ka Soo Talaabaya.
March 8, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News)-Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa shalay ku qabtay deegaanka Sayla gaadhi ay saarnaayeen Rag Hubaysan oo doonayey in ay soo galaan hargeysa kuwaas oo aan illaa hada la garanayn halka ay ka soo jeedaan. Raggan la qabtay oo dhamaa shan xubnood oo watay gaadhi Iskurogo ah ayaa la sheegay markii la qabtay in laga helay hub fudud oo ay siteen kaasoo ay si dhuumasho ah ula soo galeen Dalka, waxaana markiiba loo gacan galiyey qaybta Booliiska Gobolka Hawd halkaas oo loo gudbiyey kadib markii uu arkay nin ka mid ah deegaanku iyagoo kaynta ku leexday Sidoo kale Doraad waxa isla deegaanka Baar-goo oo ka tirsan degmadda Sayla lagu qabtay laba nin oo kale oo lala xidhiidhinayo in ay xidhiidh la leeyihiin kuwa shalay la qabtay iyo kuwo toddobaadadii hore lagu qabtay isla deegaankaasi. Guddoomiyaha degmadda Sayla Cabdi Sheekh Xuseen oo Waaheen la hadashay si ay xog uga weydiiso kooxahan u danbeeyey ee lagu qabtay deegaankiisa ayaa xaqiijiyey hase yeeshee waxa uu sheegay toddobada nin-ba in ay ku wareejiyeen Gobolka kadib markii ay qabteen. Kooxdii ugu horaysay oo dhamayd afar xubnood sida wararku sheegeen isla markaana lab aka mid ah la qabtay ayaa loo gacan galiyey Dawladda Itoobiya sida ay warar hoose sheegeen, kadib markii ay Dawladda Itoobiya ku dooday in ay iyada ka soo baxsadeen oo ay daba socotay. Ma kala cada kooxahani in ay ka soo jeedaan kooxda fir-dhadka ah ee Al-shabaab ee ay dagaaladda kululi kala soo darseen Somaliya iyo in ay yihiin kooxda ONLF-ta Ogaadeeniya, kuwaas oo ay ugaadhsanayaan Ciidamada Itoobiya oo galay gudaha Somaliya, isla markaana durtaba la wareegay gobollo badan oo Alshabaab ka talin jirtay. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalilnad Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino talaabooyinkan is-daba jooga ah ee ay Ciidankiisu ku qab qabteen kooxahani ayaa ka jawaabi waayey Telefoonkiisa gacanta. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|