Ciidamada Dalka Ukraine oo is hortaagay Kuwa Ruushka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Dalka Ukraine oo is hortaagay Kuwa Ruushka
March 4, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Ciidammada Ukraine ayaa is hortaagay kuwa Ruushka ee ku hareeraysan gobolka Crimea ee haatan ay Ruushku si buuxda ula wareegaan.

Goor sii horreysay ayay Ukraine sheegtay in Ruushku ay waqti kama dabays ah u qabteen ciidankooda ku sugan Crimea iyadoo Maraykanka iyo Ruushka ay dood kulul ku dhexmartay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ruushka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ukraine ee xilka laga tuuray uu ka codsaday inay ciidan u diraan dalkaas.

Wakiilka Ruusha u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Vitaly Churkin ayaa soo bandhigay warqad uu sheegay inuu soo qoray madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanukovych.

Kumanaan kun oo ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa ku qulqulayay gobolka Crimea tan iyo markii xilka laga tuuray Yanukovych.

Ukraine ayaa sheegtay in Ruushku uu ciidammada dalkaas ee ku sugan gobolka Crimea u qabtay xilli kama dambays ah si ay isu dhiibaan.

Ruushka arrintaas uu beeniyay, oo waxaa uu sheegay in aanay jirin waqti kama dambays ah oo ay u qabteen ciidammada Ukraine ee ku sugan Crimea.

Ruushka ayaa haatan si buuxda gacanta ugu dhigay gobolka Crimea, waxaana jirta cabsi ah inay u sii gudbaan gobollada kale ee dalkaas.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu ciidammo tira badan ku soo uruurinayo xadka labada dal.

UkraineRuushka iyo Maraykanka oo hadallo kulul isku dhaafsaday Qaramada Midoobay

Maraykanka ayaa si cara leh uga jawaabay faragelinta Ruushka ee dalka Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka baxday dhamaan heshiisyadii dhanka militeriga ee u dhexeeyay labada dal.

Wakiilka Ukraine u fadhiyo Qaramada Madoobay ayaa sheegay in Ruushku ay dalkaas geeyeen ilaa 16,000 oo askari

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS