Ceebaha Xukuumada Dul-Hoganaya Wasiirka Arimaha Dibada Oo Bugaag ka Gudoomay Dhalinyaro iyo Maraaxilka Xiligan Dunidu Mareyso(Faallo) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceebaha Xukuumada Dul-Hoganaya Wasiirka Arimaha Dibada Oo Bugaag ka Gudoomay Dhalinyaro iyo Maraaxilka Xiligan Dunidu Mareyso(Faallo)
March 9, 2014 - Written by Editor:
Tusaale ahaan waxaad moodaa marka uu ka hadlayo Wasiirka Arimaha Dibadu Arimaha Soomaaliya iyo Somaliland ee wadahalada in aanu ka haynin xogo sidaa u badan islamarkaana, aanu guud ahaan ajandayaasha nuxurka wadahalada, waxaana dadku sheegaan inta badan in uu kaga fiican yahey
Hargeysa(wjn);Waxa jira xilalka guud ee Qaranka qaar la mahadiyo had iyo jeer marka uu kusoo kordha masuul misaan leh oo aragtigiisa ku cabira kara Wacyiga taagan, halka ay dunida maanta mareyso iyo Waaya araganimada uu qofkaasi leeyahey inkastoo muhiimada ugu weyni tahey in wacyiga taagani min qiyaaskiisu sahlayo inaad la socon karto waayaha Mustaqbal ee inagu soo aadan  iyo inaad qaado wadada saxda ah ee rajada aad qabto maadaama, aad xogogaal badan u tahey sida ay isugu beegmayaan danaha wadanka aad kunooshahay iyo Dunida inteeda kale adigoo ka shidaal qaadanaya hadba halka la marayo.
Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland intooda badan ee had iyo jeeraale ku foogan arimaha Diblamaasiyada Caalamka iyo maraaxilka la marayaa, waxey indhawaale aad uga deyriyeen habdhaqanka Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kusoo gurya noqoshadiisii dalka aad loo buunbuuniyay haseyeeshee, in tuhmaadkii laga qabey ay wax badani iska badeleen Xiligan.
Asal ahaanba Qeybaha kala duwan ee Bulshada Reer Somaliland aalaa kuwa sida gaarka ah isha ugu haya, dhaqdhaqaaqyada dhinaca Xidhiidhka Dunida Caalamka iyo mandaqada Geeska iyo waajaha siyaasadeed ee Xukuumada Somaliland talaabooyinkeedii u dambeeyay, waxa inta badan isu qaban la,a hadalada Wasiirka Arimaha Dibadu ka jeediyo Warbaahinta kuwaas oo aan laga dhadhansan sideedaba eray diblamaasiyeedka u baahan in lagu kala saaro arimaha waaqiciga loogu gudbinayo Bulshada iyo kuwa sida gaarka ah Hogaanka talada haya loogu sheegayo, taas oo marar badan laga dheehdey hadalada Mr Biixi weedho ka aradan dhinaca Diblamaasiyada iyo luuqada Siyaasiyan masuul loo igmadey arimaha (Forgeinka), maadaama uu si qayaxan usoo bandhigay hadalo aan munaasib ku aheyn tuhunka laga Qabo Madax banaanida iyo dal ahaanta Somaliland kaga soo go,dey Wadankii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya.
Tusaale ahaan waxaad moodaa marka uu ka hadlayo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  Arimaha Soomaaliya iyo Somaliland ee wadahalada in aanu ka haynin xogo sidaa u badan islamarkaana, aanu fahamsaneyn guud ahaan ajandayaasha nuxurka wadahalada, waxaana dadku sheegaan inta badan in uu kaga fiican yahey fahamsiinta Bulshada ee qodobadaasi Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo badanaa ka hadla Arimahaasi wadahalada labada dal, Sikastaba ha ahaatee waxa maalmihii u dambeeyay aad loola yaabey marka loo eego Marxalada ay maanta Aduunyadu mareyso, ee la Xidhiidha Tiknoolajigacasriga ah iyo Xidhiidhka Caalamka ee farsamo ahaan ku xidhiidhsan Arimaha Diblamaasiyada iyo safaaradha dalalka Dunidaintooda badani, sida uu Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ugu faraxsan yahey Gudoomista Buugaag lagu sheegay, in ay ka hadlayaan, Arimaha Dibada, iyadoo dad badani ay wax iskaga weydiinayaan Toliow buugaagtaasi ma waxa la qorey Xiligii quwadaha Ruushka iyo Mareykanku Dunida ku loolamayeen, mise waxa la qorey Xiligii la aasaasey Jaamacatul-Carab iyo ujeedooyinkii loo aasaasey, mise waxa la qorey xiligii Waayadii Fufka, mise waxa la daabacey Xiligii Kacaanka Warshadaha jawaabtu, waxa ay koley iyo koley raaci doontaa sida xaqiiqdoodu tahey, mana khaldana Dhalinyarada ula niyooday Wasiirku in ay arimaha Dibada iyo wacyiga ay xiligan mareyso diblamaasiyada Caalamku siiyaan, laakiin jawaabta Wasiirka ayaa garanaya xiliga ay Buugaagtaasi ku afici karaan Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland, Gabagabadii wali waxa u bixi la,a Wasiiru khaarajiyaha Somaliland, heerka ay maanta mareyso Somaliland iyo maraaxilka ay kasoo gudubtey, oo aanu xog badan ka haynin, iyo waliba halka ay mareyso Diblmaasiyada Caalamku, waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Arimaha Samafalka Bani-aadanimo iyo istaraatijada danaha caalamku ka leeyahey xiligan Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrika, iyo Xidhiidhka aynu Somaliland ahaan uga faa,ideysan karo fursadaha ka furan Manadqada.
Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan

COMMENTS
LINKS