“Caddami Intii Uu Wasiirka Ahaa Maalin Walba Wuxuu Ka Soo Noqdaa Ceerigaabo” Xildhibaan Cali Barre | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Caddami Intii Uu Wasiirka Ahaa Maalin Walba Wuxuu Ka Soo Noqdaa Ceerigaabo” Xildhibaan Cali Barre
March 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Xildhibaan Cali  Barre oo ka mid ah Mudanayaassha xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa soo jeediyay  in haddii uu qabsoomi waayo shirweynaha xisbigaasi  laga tallo-galiyo Mudanayaasha Xisbiga ee ku jira Golaha Wakiiladda.

Xildhibaan Cali Barre oo shalay saxaafadda kula hadlay xarunta Golaha Wakiillada ayaa waxa kale oo uu dhaliilo ugu jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa  hogaanka xisbiga Kulmiye, Guddida Fulinta iyo Guddida Qaban-qaabadda shirwaynaha, xildhibaanadayadda KULMIYE ugu jira Golaha  waxaanu nahay 56, haddii Hogaanka Xisbiga Guddida Qaban-qaabadda loo qaybiyay la heshiin waayo, Shirweynihii si fiican loo qaban waayo Xisbiga cagaha loo dhigi waayo, Madaxweyne halagu bushaareysto  56-kayagaa Xildhibaan ayaa noqonayna garab xisbiga fadhiisiya oo KULMIYE hagaajiya oo hogaanka la wareega”

 

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray oo uu weeraray Wasiirka gaashaandhigga “Waxa Nasiib-daro ah oo aan aad ula yaabay nin tagi kari waayay Deegaankii uu afar Sanadood  Wasiirka u ahaa, waa Wasiirka Gaashaandhiga.  Maalin walba wuxuu ka soo noqdaa Ceerigaabo inuu Hadaftiimo gaadho ayuu kari waayay, fikirkii Laasoqray Madaxweynuhu ku tagay isagu muu lahayn, wuu ka soo hor-jeeday, Madaxweyne Caddami mooyee miyaanay masuuliyiin kale oo deegaankaasi ka soo jeeda jirin”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMLILAND

 

COMMENTS
LINKS