|
|||||
WAJAALE NEWS
Caddaalad-darada Weriyeyaal Qaadashada idaacadaha VOA SOMALI iyo BBC SOMALI. Eeg liiska. W/Q: Cali Cabdi Coomay
March 31, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Weriyeyaasha ka hawlgala istuudyaha labadan idaacadood waxay ku hadlaan Af-soomaali lagaga hadlo muqdisho oo dadyowgii kale
Gobolkiisa
Weriyeyaasha BBC SOMALI ee london jooga Magaca Gobolka 1. Max’ed maxamuud-cade………………………………………………Galguduud 2. Raage Xasan………………………………………………………………………Gedo 3. C/rahmaan koronto……………………………………………………….Hiiraan 4. Max’ed ibraahim macalimow………………………………………… Banaadir 5. Axmed cabdi nuur………………………………………………………….Ceelbuur 6. Yusuf Xasan…………………………………………………………………..Galguduud 7. Farxaan max’ed jimcaale………………………………………………..Hiiraan 8. Kaati Ciise……………………………………………………………………..Galguduud 9. C/nuur Sh. Isaxaaq………………………………………………………….puntland 10. C/laahi Xaaji…………………………………………………………………..Puntland 11. Yoonis Cali Nuur………………………………………………………………Hargaysa 12. C/risaaq X. Max’ed-siraad…………………………………………………Hargaysa
Af-soomaaliga ay isticmaalaan Weriyeyaasha ka hawlgala istuudyaha labadan idaacadood waxay ku hadlaan Af-soomaali lagaga hadlmuqdisho oo dadyowgii kale ee geeska afrika deganaa ee soomalida ah aanay fahmayn. Waxay warbaahintii soomaalida ku soo kordhiyeen af-soomaali qalloocan oo soomaalidii ay jahawareer ka qaadeen. Waxay dadkii ku khasbayaan af-soomaali muqdisho lagaga hadlo.
Af-soomaaliga qalloocan ee VOA iyo BBC isticmaalaan Afka toosan = Warkan waxa soo diray weriyeheena……………………………………………..weriyahayaga. = Saddex qofood……………………………………………………………………………..saddex qof = Looga diley…………………………………………………………………………………..lagaga diley =Lagu duugay…………………………………………………………………………………lagu aasay = Qadka tilifoonka……………………………………………………………………………..khadka tilifoonka = Saakey………………………………………………………………………………………….saaka = Qiyaano………………………………………………………………………………………..khiyaano = Aqris……………………………………………………………………………………………..akhris =Qaasatan………………………………………………………………………………………..khaasatan = la weysan yahay………………………………………………………………………………la waayey = ulajeedo…………………………………………………………………………………………ujeedo = maantay…………………………………………………………………………………………maanta = xiriir……………………………………………………………………………………………….xidhiidh = Xeryayaal………………………………………………………………………………………………Xerooyin
Fiiro gaar ah: Markii af-soomaaliga la qorayey, ayaa la isku qabtay labada eray ee”R” iyo “dh”. Bal ka la isticmaalayo. Guddigii af-soomaaliga ayaa laba kooxood oo isku haystay labadan eray soo kala dhexgalay. Ka dib waxa la yidhi “ waar kooxdan wadata “R” bal isticmaala eraygan oo waxaad tidhaahdaan “gabar” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, oo waxay noqotay “gabrro”. Ka dib waxa lagu yidhi gabrro waa cay dhinaca waqooyiga soomaaliya (somaliland). Kuwii watay “dh” ayaa yidhi”gabadh” ka dib waxa la yidhi jamac ka dhiga, waxay noqotay” gabdho”. Markaa waxa halkaasi lagaga adkaaday kuwii watay erayga “R” oo waxa la isla qaatay in erayga “dh” dhammaan warbaahintu isticmaasho. Markaa weriyeyaasha reer muqdisho waa inay ku hadlaan erayga “DH” oo erayaga “R” ay iska iloobaan.
Cali cabdi coomay Suxufi, qoraa ah. B.A in journalism Haragaysa, Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|