|
|||||
WAJAALE NEWS
Booliiska oo Hargeysa ku qab qabtay qaar ka mid ah Dhalinyaro duhurka Cad dadka Boobta
March 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (Wajaalenews);Booliiska Hargeysa ayaa manta Duhurkii xaafadda shacabka ku qabtay qaar ka mid ah koox dhalinyaro ah oo duhurka cad Dadka boobta, kuwaas oo manta nin marayey agagaarka Guriga Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland kaga qaaday lacag lagu qiyaasay Toban kun oo Dollar iyo Mobil. Mar kaliya ayay dhawr gaadhi oo Booliis ah oo ay hogaaminayeen Taliye Ku-xigeenka Booliiska Somaliland C/raxmaan Fooxle, Taliyaha qaybta Booliiska Galbeedka Hargeysa iyo Taliyaha Hawgelinta Ciidanka Booliisku isku xeereen xaafadaasi iyagoo qabtay laba ka mid ahayd dhalinyaradii boobka samaysay halka kuwii kalena ka baxsadeen, waxaanay u muuqdeen kuwo ka cadhaysnaa dhalinayaradaasi. Wariyayaal ka tirsan Wajaalenews ayaa la kulmay Hawlgalkan Booliisku ku baacsanayeen dhalinyaradan, waxaanu ahaa mid ay wax kaga qabanayeen dhalinyarada xaafadaasi oo ahaa kuwo da’ yar oo sida dad goob joog ahaa sheegeen markii ay ninka baadhanayeen si naxariis daro ah ay u garaaceen kadibna lacagta iyo Moobilka uga qaadeen iyadoo dadweynuhu lafahooda uga baqayeen intaanay Boolisku soo gaadhin goobta. Qaar ka mid ah Booliiska oo ku soo ururay labada ay qabteen ayaa markii ay dadku ku soo urureen ku dhawaaqayey erayo ay ku dhaliilayeen ciqaab la’aanta ka haysata marka ay kooxahan qabtaan, iyagoo waalidka dhalay ku canaanayey inaanay qabsanayn haddii ay xidhaana aanay jirin ciqaab sidii gudidii Nabadgelyada oo kale ay ka cabsanayaan. Booliiska ayaa markii danbe kaxeeyey labadii ay qabteen oo ahaa wiilal aad u da’yar, halka kuwii waaweynaa ay ka baxsadeen gacanta Booliiska. Booliiska ayay dhibaato weyni ka haysataa ciyaalka xaafadaha ka sameeya rabshadaha, kuwaasooqaarkood ay noqdeen shufto dadka sara-jooga ku saloolata, halka qaarkoodna iyagu dhexdooda kooxo kooxo isku dilaan, kuwaas oo mararka qaarkood xaafadaha kala xidha isla markaana khasaare balaadhan gaadhsiiya.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND EMAIL;wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|