Barta muuqaallada lagu baahiyo ee Youtube oo laga mamnuucay Dalka Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barta muuqaallada lagu baahiyo ee Youtube oo laga mamnuucay Dalka Turkiga
March 28, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Dowladda Turkiga ayaa dalkeeda ka mamnuucday adeegsiga barta Youtube ee muuqaallada lagu baahiyo oo kamid ah baraha bulshadu ay ku wada xiriirto kuwooda ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Youtube lagu baahiyey cod la sheegay in laga duubay shir ay yeesheen madaxda sare ee Turkiga, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalkaas iyo weliba madaxda sirdoonka, shirkaas oo looga hadlay xaaladda dalka Suuriya iyo tallaabada militari ee ugu habboon ee xilligan laga qaadi karo.

Recep-Tayyip-Erdogan-006.jpgRa’iisul Wasaare Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey go’aanka dalka Turkiga looga mamnuucay Youtube-ka, wuxuuna sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin in baraha bulshada lagu faafiyo wax liddi ku ah dowladda Ankara dhaawacna u geysan kara sharafta dalka Turkiga.

Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa isla todobaadkan soo saartay go’aan dadka dalkaas looga mamnuucay barta bulshada ee farriimaha gaagaaban lasoo dhigo ee Twitter-ka loo yaqaan. Horay waxaa Youtube-ka looga mamnuucay dalal ay kamid yihiin China iyo Bangladesh.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS