Badhasaabka Gobalka Maroodi-Jeex Oo Ka Hadlay Dilkii Arxan Darada Ahaa Ee Kadhacay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka Gobalka Maroodi-Jeex Oo Ka Hadlay Dilkii Arxan Darada Ahaa Ee Kadhacay Magaalada Hargaysa.
March 3, 2014 - Written by Wariye:

badhasaabka maroodi jeexHargaysa(Wajaale News):-Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud (Xaaji Jeeni Yare) ayaa maanta ka hadlay arinta foosha xumayde ee shalay ka dhacday magaalada hargaysa,waxa uu badhasaabku arimkaas ku tilmaamay mid waxash-nimo ah oo ciidanka boolisku fashiliyeen.

Badhasaaabka ayaa waxa uu intaasi ku daray in cidii falkaasi ka danbayse la hore keeni doon sharciga lana waa faajin doono wixii uu sharcigu ka qabo,waxaana uu tacsi udiray ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle waxaana uu ilaahay uga baryey inuu u naxariisto.

Badhasaabka gobolka maroodi jeex oo maanta waraysi siiyey TV-Ga Royal ayaa waxa uu ugu horen hadalkiisa ku bilaabay.

”Falkaasi budh-cadnimada ah ee lagula kacay haweenaydaas marka hore waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo Falkaas maanta dhacay waa fal waxash-nimo ah oo somaliland inta ay jirta aan ka dhicin Falkan maanta ka dhacay hargaysa aniga guddoomiye ahaan waa fal aan canbaaraynayo wixii falkaas sameeyeyna gacanta ayaanu ku haynaa waxaana ay gacanta ugu jiraan ciidanka booliska somaliland.
Waxa uu badhasaabku fariin udiray taliyaha booliska haay’addaha amniga ciidanka SID Iyo ciidanka sirdoonka kuwaas oo uu dhamaantoodba ku booriyey sida wanaagsan ee ay arinkaas iskaga xilsaareen.

“waxaana halkan fariin uga dirayaa laamaha kala duwan ee amniga sida wanaagsan ee ay  ugu guulaysteen mayda muda toddobaadka ku asaanaa guri hoostii waliba lagu sib dhiyey waliba waxa lagu dilay ay ahayd aduun lacageed uun waxaana odhan lahaa ka guddoomiye ahaan cid kasta oo waxaas ku kacda waa in la hor keenaa sharciga.

Waxa uu sheegay badhsaabka in habeen iyo maalinba ay utaagan yihiin sidii ay u ilaali lahayeen sharciga cidii kusoo xad gudubtana talaabo looga qaadi lahaa.

“hortu anagu waxaanu utaaganay waa nabad galiyada waana qodobka ugu horeeya,waxa kale waxa weeyaan ilaalinta siyaasada qaranka somaliland iyo horumarinta arrimaha bulshada waxaana utaaganayna waxa weeyaan inaanu shacabka waxba gaadhin aanu ka shaqaynana horumarintooda oo ah waxbarashadooda ganacsigooga iyo u ilaalinta hantidooda maxaa yeelay waxaanu ka masuul nahay shacabka somaliland.

Shalay ayaa ahayd markii ciidanka boolisk somaliland ay soo heleen maydka haweenay la odhan jirayRuqiya Siciid Ayaanle oo toddobaad ku jirtay hog loo qoday laguna aasay.

Arinta ayaa shacabkii ku noolaa somaliland ku noqotay amakaaga waxaana ay noqotay arin ugub ku ah dalka somaliland Ciidanka booliiska ayaa marxuumadaasi ka soo foqay godkii lagu aasay ka dibna keenay maydkii haweenaydaasi cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS