Askar Booliis ah oo u xidhan Maan-dooriye lagu qabtay oo Maxkamadda Ciidanka la soo taagayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askar Booliis ah oo u xidhan Maan-dooriye lagu qabtay oo Maxkamadda Ciidanka la soo taagayo
March 25, 2014 - Written by Editor:
Hargeysa(WAJAALENEWS) Afar Askari oo ka tirsan Booliiska Hargeysa ayaa muddo ugu xidhan saldhiga Dhexe ee Hargeysa Eed la xidhiidha in ay isticmaaleen mid ka mid ah Maan-dooriyayaasha la isticmaalo, kwaas oo ka hawl-geli jiray qaar ka mid ah saldhigyada.
Askartan ayaa la filayaa in dhawaan maxkamadda la hor-geyn doono, waxaanu xadhigoodu qayb ka yahay Olole Taliyaha Ciidanka Booliisku ku doonayo in wax lagaga qabto Askarta ku kacda falalka ka soo horjeeda Hab-dhaqanka Bilaysnimo.
Ilo wareed u dhuun daloola Kiiskan ayaa sheegay in Askartan ay mutaysan karto in shaqada bilaysnimo laga fadhiisiiyo, isla markaana ay mudan doonaan Ciqaab xadhig ah si loo Anshax mariyo.
Talaabada lagu qab qabtay Askartan ayaa noqonaysa mid Booliiska ka yarayn doonta dhaliilo farabadan oo loo jeediyo

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS