Anagu waanu ka hadhnay waftiga oo waxaan isnidhi bal suga jawaabta,markaa puntland ciidamo ayey soo dhoobtay;Wasiirka Gashaandhiga cadami | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Anagu waanu ka hadhnay waftiga oo waxaan isnidhi bal suga jawaabta,markaa puntland ciidamo ayey soo dhoobtay;Wasiirka Gashaandhiga cadami
March 22, 2014 - Written by Editor:

(WAJAALENEWS)Wasiirka Wasaarada Gaashaan Dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cabdilaahi Cadami oo maanta Warbaahinta lahadlaayey ayaa sheegay inay jireen in maamulka Puntland ay Ciidamo soo dhoobeen meelo u dhow xuduuda Somaliland,Waxaana uu sheegay in Odayaasha iyo wax garadkii deegaankaasi ay la hadleen si ay puntlan u joojiyaan colaada ay hurinayaan waxaana kamid ahaa hadaladiisii:

“..Anagu waanu ka hadhnay waftiga oo waxaan isnidh bal suga jawaabta,markaa puntland ciidamo ayey soo dhoobtay dhul aan dhulkii laysku hayeyba aan ahayn,iyagii baanu lahadalnay oo anu nidhi labadaa mid uu kala doorta colaad iyo nabad,ilayn meeshii haday gar daro timaado waa layska celinayaayee,wada hadal waliba dhexdhexaad ah ayaa dhacay waxaa ay ogalaadeen inay halkoodii ku noqdaan,malaha hadhniinkii aanu hadhnayna daruur ahaa yoo dee anaga warka ayuun baa naloo sheegi lahaa,sidaasaana ay ku dhamaatay wixii labada ciidan dhexmari lahaa..”

Wasiir Cadami oo halkiisa sii wataa waxaa uu yidhi“..hadaan hadalkayga soo ururiyo Dhaqdhaqaaq waa  jiraa cida bilowdayna waa puntland anaguna inaanu dawano oo aanu sugno oo marwalba la yidhaahdo maxaa idin keenay waxaa ka qurux badan milatari dhaqdhaqaaq sameeyey milatari dhaqdhaqaaq sameeya ayuu leeyahay xagiisa kalena..”

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS