Allah ha unaxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Muqdisho lagu aasay; DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Allah ha unaxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Muqdisho lagu aasay; DAAWO SAWIRO
March 16, 2014 - Written by Editor:
MUQDISHO(Wajaalenews).Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay marxuumku uu hore warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in lagu aasi doono Magaalada Muqdisho taas oo ka dambaysay ka dib markii Maamulka Magaaladda Muqdisho

Muqdisho (WJN) – Allah Haw U Naxariistee Boqorkii Codka Fanaaniinta Soomaalida Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa maanta lagu aasay Xabaalo ku yaala Magaaladda Muqdisho ee Magaalo Madaxda dalka Somaliya.

Maydka Marxuumka ayaa waxa saaka laga soo dejiyay garoonkad iyaaradha ee Aadan Cade, waxaana Aaskiisa oo ka dhacay Xabaalaha School Polizio oo dhinaca ku haya Garoonka diyaaradaha Masuuliyiintii ka soo qayb gashay ka mid ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Saraaiisha Ciidanka, Abwaanada, Fanaaniinta, ehelada marxuumka iyo qaybaha bulshada Somaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka soomaaliyeed geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiyee Maxamed Saleebaan Tubeec.

Sidoo kale waxa aaskaasi ka soo qayb galay wiilasha ay ka midka yihiin Mustafe Maxamed Saleebaan, Mahdi Maxamed Saleebaan iyo Faysal Maxamed Saleebaan oo uu marxuumku dhalay, halka dhinaca kale ay goobta joogeen Faadumo Duur iyo Khadiija Ismaaciil oo uu qabay Marxuumku.

Allah Ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ku dardaarmay in hadii uu geeriyoodo lagu aaso Magaalada Berbera ee Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee dalka Somaliland, halka hadii ay suurtogal noqon waydana laga geeyo Magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO OFFICE

WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS