|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Golaha ay ku Midoobeen Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka oo soo jeediyey in Somaliya lagala noqdo Aqoonsiga.
March 1, 2014 - Written by Wariye:Atlantic(Wajaale News):-Qoraal lagu daabacay Blog uu leeyahay Agaasimaha Golaha Atlantica Xaruntiisa Africa oo ah Gole ay ku bahoobeen Midawga Yurub iyo Waqooyiga America (United States iyo Canada), oo lagu baahiyo Arrimaha siyaasadda bulshada, ayaa lagu baahiyey faallo sheegaysa in Agaasimaha golahaas oo la yidhaa Peter pham soo jeediyey in dawladda Maraykanku ka noqoto aqoonsigii ay siisay Dawladda Somaliya ee ahaa Dawladda Federal, isagoo xusay in maamuladii ka horeeyey Xukuumadda hada ay ahaayeen kuwo ku meel gaadh ah oo aan Aqoonsi haysan.Agaasimahan Faaladdiisa lagu baahiyey Blogaaas waxa uu ku dooday in loo baahan yahay Dawladda maraykanku gabi ahaanba in ay ka noqoto oo ay abuurto siyaasad Somalida oo dhani qayb ka tahay si loo kasbado isla markaana is-dhex-gal loogu sameeyo. Faalada lagu baahiyey bogaasi waxay si weyn u taabatay macluumaadkii sanadlaha ahaa ee Kongaraska uu horkeenay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanku James clapper in dagaalka siyaasadeed joogtada ah ee gudaha, daciifnimada Maamul ee Madaxweyne Xasan, Qalab la’aanta Hay’adda Dawladda, fidida farsamo iyo maamulkuba ay soo gaabanayaan, taasina ay fursad siinayso in Al-qa’eda iyo Dagaalyahanada Alshabaab ugaadhsadaan danaha Gobolka iyo danaha Reer Galbeedkaba.Dooda Blog-an lagu baahiyey ayaa Food-saare waxa uu ka dhiganayaa mudanaha laga soo xigtay in musq maasuqa baahay keenay in Qaramada midoobay soo saarto warbixinteedii ugu danbaysay ee Hubka Somaliya loogu deeqo u gacan galay Al-shabaab iyo Beelaha qaarkood, sidoo kalena cadaadiska la saaray saxaafadda iyo Xorriyatal qawlku ah yihiin kuwo mudan in Somaliya mudan tahay in lagala noqdo qorshihii sanadkii hore Obama ku aqoonsaday lagaga noqdo. Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|