WAJAALE NEWS
Adeega Zaad Service Oo Saamayn Ku Yeeshay Sixirbararka Dalka iyo Dadwayanaha oo Ka Warwarsan Mustaqbalka Adeegan(FAALO)
March 24, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);Somaliland oo ah dal ka go,ay wixii laysku odhan jiray Somalia mudo 22sano ahna aduunka ka raadinayay macaamil caalamiya ayaan wali ku guulaysan inuu kamid noqdo qaramada caalamka hadana bulshada somliland iyo dawladeeduba waxay kasoo gudbeen caqabado badan kuwaasi kaga imanayay dhinac kasta walina muu joogsan dagaalka lagu curyaaminayo jamuuriyada somliland ee marba isagoo waji cusubleh ayuunbuu socdaa mudooyinkan danbana xaga ganacsiga ayaa lagaga soo qaaday sidii jalaafo loogu dhigilahaa,
Dadwayanah ayaa iswaydiinaya lacagta ay ka urursato telesom iyadoo adeegsanaya adeega looyaqaan ZAADSERVICE SAAMAYNA KU YEESHAY DHINAC KASTA ,XAGA SARIFKA ,OO AY KU HAYAAN SIXIR BARAR, LACAGTII ADKAD OO GACANTA U GASHAY TELESOM OO KU KAYDSATAY ADEGA ZAAD EE BILAA DAMIINKA AH
Laakin adeega ZAAD Telesom faa’iido aad iyo aad u balaadhan ayay ku qabtaa, iyado sababtu tahay ka faa’iidaysashadda dhaman lacagaha shacabka Somaliland.
Lacagta ZAAD waxay ku jirtaa wax loo yaqaan SERVER oo micnihisu yahay KAYDIYE kaas oo la odhan karo lacago gaadhiya malaayin doller oo shacbiggu leehay ku jiraan ama ku kaydsan yihin, isla markaana si fudud ay uga faa’iidaysato kuna shaqaysato Telesom iyadoo aan wax idan ama ogolaasho ka haysan shacbiga Somaliland ee lacagtaa leh ama ay dhididkooda ama xoogoodii ay tahay, si kastaba ha ahaatee waxa la odhan karaa marka laga taggo ka faa’iidaysigaa lacagaha shacbiga ee aan la waydiisan, waxaba shacbiga ka soo gaadhay dhibaato dhaqaale taas oo kala ah sidan:
· Sare u kaca qiimaha sarifka doller ka oo maceeshada oo dhami ku tiirsan tahay: Si kooban hadii aynu u tilmaano, markasta oo sarifka lacagta addagi ama dollar ka ahi bato qiimaha sarifku hoos ayuu u dhacaa, isla markana markasta oo lacagi wareeg samaysana dhaqaalle ayay abuurtaa, hadaba ZAAD ku labadaaba uu yareeyay. Hadii mobile kaga uu $10 kugu jiro waxa laga yabaa inad kala baxdo ama aad ka sarifato hadba intaa aad u baahan tahay (hal hal , ama laba laba) kolaba baahidaada, halka markii hore aad $5 ama $10 kaba mar ad wada sarifan jiray, runtii waa hawl fudayd laakin waxa ka badan dhibaatada dhaqale ee tabban ama hoos u dhaca ah.
· Shaqo la’aan: iyadoo shaqo laan uu riday dhalin yaro badan oo ka gacasan jirtay adeega Sub-stationka, iibka prepaid vouchers ka.
· Hoos u dhac ku yimid lacag sarifashadii dadka, halka markii hore qofka u baahan inuu $2 doller sarifto uu $10 doller iska sarifan jiray, halkana dadka sarifka ka ganacsdaa faa’iido ka heli jireen isla markana khasaare aanu soo gaadhi jir qof loo sarifay.
· Waa dhaqaale aan wax ducmenti ah laynd ama DAMAANAD.
Tusaale hadii manta ay yimaadan qoloyinka loo yaqaa HACKERS ama tuugta intenet ka adeegsata si fudud aya u dhici karaan isla markaana wax cadayn ah oo uu haystaa qofka macmiil ka ahi ma jiraan. Waayo wax loo yaqaan DATABASE ka la isku halaynayo waa wax la khalkhalin karo isla markaana wax la ga badali karo marka HACKING ka lagu sameyo.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related
COMMENTS
|