|
|||||
WAJAALE NEWS
44 Qof oo ay Xasuuqday Dawladii Siyaad barre oo Aas wadareed loogu sameyey Magalada Hargeysa.
March 9, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS ,Wax maanta Aas wadareed loo sameyey 44Qof oo ay xasuuqeen dawladii Siyaad Barre 1984 kii, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu sameynayey Xasuuq in dadka loogu aabo yeeleyn. Dadkan ayaa lagu xasuuqay meesha la ydiahdo Badhka oo ku taalla Badhtamaha Magaalada Hargeysa oo wakhtigaasi dawladaasi si badheedh dadka inta ay isku Xidho ay dhammaan si safmar ah u Dilijirtay, inta ay magaalada Hargeysa ka soo Ururiso. Dadkan ayaa Maanta Si rasmi ah dib loogu aasay Xabbalo ku yaala Duleedka Magaalada hargeysa gaar ahana meesha la yidhado Masalaha . Aas wadareedkasi ayaa wax ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukumada Somaliland, Wasiirada Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Cadaalada, Diinta iyo awqaafta, waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xisbiyada mucaaridka ah, Boobe Yusuf Ducaale, Aqoon yahano kale Siyaasiyiin faro badan iyo dadweyne aad u badan. Dhammaan Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay sheegen in loo bahan yahay in dadkii dadkaasi reer Somaliland Xasuuqay la horkeeno maxkamad si looga abaal mariyo dadkii ay xasuuqeen. Dadka la Xasuuqay ee ka kooban 44 ayaa Wax soo qoday oo muddo dheer badhey Hay’ad Ajanbi ah oo la yidhado EPAF oo ku caan ah Baadhista dalalka xasuuqayada laga geeysto iyada oo ka soo shaqeysay dalal badan oo ka tirsan caalamka oo ay xasuuqyo ka dheceen. Guddoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like ayaa warbaahinta u qaybiyey warsaxafadeed uu soo saaray oo u dhigsan sidan. “Waxanu halkan iskugu nimid saaka in aynu sidii islaaminimadu ina fartay u aasno 44 kan Marxuum oo ay si sharci darro ah, iyagoon danbi lahayn, u xasuuqday dawladdii markaa dalka ka talinaysay ee kaligii taliskii Siyaad Barre, ee sanadkii 1984 kii, wax mahad leh illahay oo maanta inoo suurta galiyey in sidii diinteena subani ina fartay aynu u aasno 44kan Marxuum oo laga soo saaray xabalaha badhka. Waxa kale iyaguna mahad leh khuburadan ka socota hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984kii, iyaga oo hawshoodii sii wadi doona si ay u xaqiijiyaan xasuuqyadii kale ee dhacay sanadihii ka danbeyey 1984kii ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. EPAF waxa weeye hay’adda laga aqoonsan yahay adduunka oo dhan kana soo shaqeeysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya . EPAF waa hay’ad caalami ah oo madax banana, macaashdoon ahyn, meelmarisa runta, hirgelisa xaqiiqda ay ka helaan baadhistooda iyagoo cidna wax-qabadkooda garab u doonan, caawisa cadaalad-doonka iyo Demoqraadiyada, waxaanu illahay ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo 44ka marxuum oo ay dishay gacan ka xaqdarani eheladoodii iyo somalilandba samir iyo Iiman ka siiyo. Dadkiinan shafarta leh ee ka soo qayb galayna aaskan waad mahadsantihiin, waa jasaakumulaahu khayran. Ujeedada hawshan ugu weyn een halkan isugu soo duba ridnay xafiiska gudidda baadhista xasuuqa Somaliland. 1.Wixii Danbigan gaystay oo la Maxkamadeeyo. 2.Marka cadaalad la helo ayaa Dadku heshiiya. 3.inay Iska hortaagto kuwa mustaqbalka xukunka qabta inanay ku kicin falakn oo kale. 4.in ay wacyi galin ku saabsan xaquuqal insaanka u noqoto dadka.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:DAAWO;-Waftigii Uu Hogaaminayay Maayarka Gabiley Oo Kulamo La Yeeshay Madaxda Gobolka Wales Ee Dalka... Halkan Ka Daawo Madaxwayne Siilanyo Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirku Xigeenka Ingiriiska U Fadhiya... Ururka Gabiley Mental Health Oo Agabka Dhaxanta Soo Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Gabiley COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|