Xukuumadda Dalka Libiya Oo Xaqiijisay In Ay Bur-burisay Hubkeedii Kimikada Ahaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Dalka Libiya Oo Xaqiijisay In Ay Bur-burisay Hubkeedii Kimikada Ahaa.
February 6, 2014 - Written by Wariye:

Tribuly(Wajaale News):-Dowaldda Libya ayaa ku dhawaaqday in ay burburisay hubkeeda kiimikada ah oo ku qaadatay mudo lix sano ah. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Libya Mohamed Abdelaziz ayaa shir jara’id uu ku qabtay magaalada Tripoli ku sheegay in hubka la burburiyey ka mid ahaayeen bambaanooyin iyo lidka diyaaraddaha. Read more: Dowlada Liibya oo burburisay Hubkeeda Kiimikada
Burburinta hubkan waxaa gacan ka geystay khuburro ka socday waddamada Canada, Jarmalka iyo Maraykanka, kuwaas oo goob-joog ka ahaa shirkaasi- jaraa’id. Wasiirka ayaa intaas ku daray in hubkan uu halis ku ahaa ammaanka shacabka, deegaanka iyo weliba deriska.
Arrintan waxaa soo dhoweeyay Agaasimaha Hay’adda mamnuucida hubka Kiimikada Mr Uzumcu oo sheegay in talaabadan ay tahay mid taariikhi ah, tusaalena u tahay waddamada kale oo ay ka mid tahay Suuriya.
Libya ayaa saxeexday heshiiska (Chemical Weapons convention) oo looga hortagaayo sameynta hubka kiimikada ah, waxaana Hay’adda OPCW ee qaabilsan Qaramada Midoobay ka caawisa la socodka waddamada sameysta hubkan khatarta ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS