Xukuumada Oo Xoriyadoodii Dib Ugu Usoo Celisey Madaxdii Talo Iyo Tawfiiq Iyo Gudoomiyha Oo Ka Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xoriyadoodii Dib Ugu Usoo Celisey Madaxdii Talo Iyo Tawfiiq Iyo Gudoomiyha Oo Ka Hadlay
February 11, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Guddomiyaha beesha galbeedka Burco ee lagu doortay shirkii Talo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen Faarax, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhigii xukuumaddu ay xidhay,Waxana uu meesha ka saaray guddoomiye Xasan Xuseen Faarax inay wadeen wax mudaharaad ah, waxaanu sida oo kale sheegay in hadda wax dhib ah aanay u dhaxayn iyaga iyo xukuumadda.

Waxa uu guddoomiyahu sidan ku sheegay waraysi kooban uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo arrimhaas ka hadlaaya uu yidhi“Aniga iyo odayaal kale ayaa xalay(Habeen hore) nala xidhay, wax dhibaato ahina may jirin, markii danbena waa nala soo daayay.wax mudaharaado ah shaqo kumaanu lahayn, qaar aanu maqalnay inay dhaceena way jireen, laakiin anagu maanan arkin kumanaanu jirin,wax dhib ah oo dawlada noo dhaxeeyaana hadda ma jiraan.”

Xukuumadda ayaa habeen hore magaalada Hargeysa ka qabatay labadan masuul, oo shalay barqadii xabsiga laga soo daayay, waxaanu xadhigoodu abuuray dareen xaasaasi ah

WAJAALENEWS DESK
EMAIL;wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS