Xukuumada oo u adkaysanwayday Taageeradii Reer Gabiley ee Mooshinka, Xildhiban Bashiir Tukaale ka dhawaajiyay iyo wasiirada waxbashada oo ku waabariisatay saaka+Dad waji kumacaasha oo Lasoo Ururiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada oo u adkaysanwayday Taageeradii Reer Gabiley ee Mooshinka, Xildhiban Bashiir Tukaale ka dhawaajiyay iyo wasiirada waxbashada oo ku waabariisatay saaka+Dad waji kumacaasha oo Lasoo Ururiyay
February 11, 2014 - Written by Editor:

GABILEY WAJAALENEWS Xukuumada oo u adkaysanwayday Taageeradii Reer Gabiley ee Mooshinka, Xildhiban Bashiir Tukaale ka dhawaajiyay iyo wasiirada waxbashada oo ku waabariisatay saaka=+Dad waji kumacaasha oo Lasoo Ururiyay

xildhibaan bashiir

Xukuumada Somaliland ayaa maalmihii udanbaysay waxa loolan adag ka dhaxeeyay golaha sharci dajinta arintaasi oo abuurtay loolan siyaasadeed ,bulshada Somaliland ay ku kala aragti diwanaayeen iyadoo badankoodu kasoo horjeedeen in lafara galin lagu sameeyo golaha shacbigu soodoorto,

Hadaba arinta ayaa waxa golaha ka dhexsocday mooshino, ay kala wataan labada garab ee ku hirdamaya golaha wakiilada kuwaasi ay kala hogaaminayeen, gudomiyaha wakiilada cabdiraxmaan ciro iyo xukuumada siilanyo hogamiyo oo markii hore lahayd aqlabiyada golaha mudana ciro aad isku siyaasad dhawaayeen,

Isku dhacan xukuumada iyo gudoomiye ciro ayaa waxa sobobay waxka badal goluhu ku sameeyay xeerhoosaadkooda, laguna dhimay awoodaha laba kuxigeen oo kasoo jeeda xusbi xaakimka iyadoo abuurtay in dhinaca xukuumadu soo qaado duulaan siyaasadeed,iyadoo xildhibaanada taageersana ay golaha horkeeneen laba mooshin’ oo midi yahay in dibloogu noqdo xeerkii goluhu aqlabiyada ku ansaxiyay,kalabaadna yahay inla kordhiyo amaba aan goluhu fasax galin si loo dhameeyo hawlo badan oo horyaalay, mooshinadaa waxa wadatay xukuumada, xaga xusbiga mucaaridka wadani xildhibaanadiisuna wateen mooshin xasaasi oo ah in madaxwayanaha ka dhan ah islamrkaana sheegaya in madaxwaynaha caafimaadkiisa loo dalbado baadhitaan caalimaya,

Mooshinkaa ayaa waxa ka dhawaajiayay xidhibaan bashiir xuseen tukaale oo ka tirsan xusbiga wadani islamrkaana ah mudanayaasha laga soo doorto, gobolada maroodijeex iyo gabiley waxaana mooshinkaa caafimaadka madaxwaynaha soo dhaweeyay dad badan oo kamida bulshada Somaliland,iyadoo sigaarana ay u soo dhaweeyeen bulshada gobolka gabiley hawada u soo mariyeen dhanbaal hanbalyo ah

Arinta taageerada mooshinka xilka xayuubinta madaxwaynaha ayaa waxaa ka gam I waayay xukuumada siilanyo xubno badan oo ka tirsan gaar ahaan kuwa kasoo jeeda hargeisa iyo gabiley waxaana saaka ku waabariistay magaalada gabiley wasiirada waxbarashada Somaliland Samsam cabdi aadan iyadoo bilowday inay raadsato odoyadii taageeray mooshinka caafimaadka madaxwaynaha iyo qaar kale oo ka jawaaba ,waxaana halkaa markiiba lagu qasbay inuu  ka noqdo taageradiisi caaqil maxamed cabdilaahi xareed (weerar) oo hormood u ahaa bulshadii tageertay mooshinka xildhibaan bashiir.

Caaqil weerar ayaana halkaa kaga noqdaytaageeradiisii, waxa kale o lasoo ururiyay dadbadan oo ku caana barmaamijka waji ku macaashka oo xukuumada siilanyo ka faaiiday xukumadii ka horaysay

Bulshada reer gabiley oo ahayd meelihii uu madaxwayne siilaanyo kasoo baxay islamarkaana ahaa gobolada taariikhiga ah xaga guusha xoog badana kagalay sidii kulmiye kursiga ugu fadhiisan lahaa ayaa mar kaliya waxay noqdeen bulsho jecel in mar uun siilaanyo kursiga laga tuur,hadii ay suurtabasana xilkaba laga xayuubiyo .waxaa layswaydiin karaa maxaa sobobay sibadalka intaa leeg?

Hadii aynu dib ugu noqono hana shadii kurisiga madaxnimo kadib ayaa xukuumada siilanyo halkii laga filayay in ay mar uun dhaamidoonto xukuumadii daahir riyaale,ayaa mar kaliya waxaa beenowday riyadii ay hayd siilanyo ayaa daahir dhaami, iskadaa wax u soo kordha reer gabiley e wuxuu siilaanyo kula kacay bahdil,siyaasadeed hoos u dhigid gobolnimo,ku shaabadayn musuqmaasuq, arimahaasi oo dhan ayaa waxay ka soo fuleen hogaamiyihii loo hanwaynaa muj siilaanyo markiiba wuxuu isku sadqeeyay haldoorkii gobolka gabiley, kuwaasi oo ahaa saaxibadiisii shalay,markii kursiga baadi donka loogu jiray

Dadwaynaha reer gabiley ayaan marnaba xasuustooda ka guuray bahdilaada uu kula kacay halyaygii xiliga mucaridka,kulmiye hogaamihii SNM

ISKU soo wada duuboo reer gabiley wuxuu gayaysiiyay in  gabiley iyo siilaanyo dad cusubi u kala turjumaan wuxuuna meesha ka saaray halyayadii rer gabiley…………………….

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS