Xukuumada Oo Dib U Istaadhay Khilaafkii Golaha Wakiilada, Shaxo Cusub-na U Dejisay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Dib U Istaadhay Khilaafkii Golaha Wakiilada, Shaxo Cusub-na U Dejisay?
February 23, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa,  (Wajaalenews) – Qado-sharafeed Guddoomiye Cirro u Fidiyey Mudaneyaasha Golaha oo Labadiisa Ku-xigeen ka Dhaarteen inay Kasoo Xaadiraan.

Warar Wargeyska “Yool” uu ka helay ilo ku dhow-dhow Qasriga Madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisu ay weli ku fooggan yihiin ololihii ay ku damacsanaayeen inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo weli uu dhegaha bulshada kasii guuxayo dhawaaqa qaraarkii Ergada Guurtidu kusoo af-jartay khilaafkii ka dhashay is maquunintii ahaa ee u dhexeeyey laba garab oo ka wada tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo la safnaa Madaxtooyada iyo hoggaanka Golaha, kadib markii ergo ka socota Golaha Guurtidu dhex-dhexaadin ka galeen arimihii is-maan-dhaafka dhaliyey. Sida awgeed qaraarka Guurtida loo arkayey mid soo af-jaraya qalalaasihii Siyaasadeed ee ay arintaas keentay.
Hase-yeeshee, Warar amuurtaa la xidhiidha ayaa lagu sheegay in aanay Xukuumadu dhinaceeda u cuntamin qaraarkii Golaha Guurtida ee arinta lagu soo af-meeray, sidaa awgeed-na ay weli ku dhegan tahay mawqifkeedii hore, waxana Wararku intaa ku dareen in Xukuumada iyo Xildhibaanada arinkaa ku weheliyaa ay hadda damacsan yihiin inta fasaxa lagu jiro inay soo dhigaan mooshin ay dalbanayaan in fasaxa Golaha waqtigiisa laga soo hor-mariyo, Goluhuna uu furmo, kadibna ay Golaha keenaan mooshin kale oo ay ku laalayaan Xeer-hoosaadka Golaha.
Waxa kale oo Wararka lagu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu hadhimo Sharafeed u fidiyey 81-ka Xildhibaan ee Golaha, ayaa waxa ku gacan-saydhay labadii Gudoomiye-ku-xigeen Md. Baashe Maxamed iyo Md. Cali Yuusuf, sidaa darteed-na Qado Sharafeedan oo la filayey inay dhacdo Maanta, ayaanay ilaa iyo hadda cadeyn qabsoomideedu, wallow ay wararka qaarkood sheegayaan in Casuumadaas Maanta la baajiyey.
Dhacdadaas ayaa sidoo kale waxay markhaati u tahay in khilaafkii Guurtidu ka garnaqday ee Golaha Wakiiladu aanu weli damin, sidoo kalena uu jiro dedaalo muujinaya inay Xukuumada iyo xulafadeedu ku hawlan yihiin tallaabooyin kale oo ka duwan qaraaradii dhiig-joojinta ahaa ee Guurtida.
Qaraarkii Guurtida ee ahaa in Derajada xilka qaadista Gudoomiyaha Golaha Wakiilada laga dhigo 42 Cod, ayaa waxa aad uga biyo diiday Siyaasiyiin iyo masuuliyiin reer Somaliland ah, oo uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isagu mar xubin ka ahaa Golaha Wakiilada, hadana Xubin Sharafeed ka ah Golaha Guurtida.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Waraysi uu Shalay Warbaahinta siiyey waxa uu ku sheegay in Go’aanka Golaha Guurtidu uu ahaa meel kaga kac, hase-ahaatee aan ahayn mid ku munaasib ah in sidii loo qaato, waxana Xukuumada iyo cid kastoo arinkaa ku lug leh uga digay in la kala saaro nacaybka Shakhsiga ku kooban iyo aayaha iyo masiirka Qaranimada Somaliland.

SOURCE: Wergeyska Yool

COMMENTS
LINKS