XOGO culus oo Ka Soo baxaya Xadhiga Saraakiil Ciidanka Qaranka oo dhawaan laxidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOGO culus oo Ka Soo baxaya Xadhiga Saraakiil Ciidanka Qaranka oo dhawaan laxidhay.
February 23, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) ;DHAWAAN AYAA TALIYAHA CIIDAN QARANKA SOMALILAND ISMAACIIL SHAQALE XABSIGA U TAXAABAY SARAAKIIL KALA DUWAN OO KA TIRSAN CIIDAN KA QARANKA

Hargeisa(wjn) Wararka aanka helayno xadhiga saraakiishan ayaa tibaaxaya inay saraakiishan ay diideen amar kasoo baxay taliyaha ciidan qaran amarkan ay saraakiishu diideen, inay fuliyaan ayaa ah midka baxsan xaydaabka ciidan kaasi oo aan wali sidhaba laahaynin ujeedada uu ka lahaa taliyaha ciidan qaranku

Arimahan oo aanu isku daynay in aan wax kawaydiino taliyaha ayaan noo suurto galin

Ciidan qaranka Somaliland mudadii ay jireen ayaan wali dhicin in laxidho saraakiil intaa leeg

Saraakiishan dhawaan taliyuhu xidhay ayaa ah rug cadaagii ciidan qaranka Somaliland  kana qayb qaatay taaba galka ciidanka Somaliland, horena aanay iskugu dhicin taliyayaashii soomaray ciidamada qaranka

Mudooyinkii udanbaysay ayaa waxaa kasoo baxaya ciidamada Somaliland  kalabaahsanaan iyo ku tagri fal awoodeed kuwaasi oo sobobay in xabsiga loo taxaabo saraakiil intaa leeg,

Iyadoo ay horena u jirtay, Abaan duulihii ciidanka qaranka sareye gaas cabdilaahi calas oo gurigiisa lagu xidhay xili madaxwaynuhu safar ku maqnaa, ilaahada aan laxalin khilaafka masuuliyiinta ciidanka qaranka

Isku soo wada duuboo isku dhaca hogaanka ciidan iyo saraakiisha sare ciidan ayaan ahayn kii u horeeyay iyadoo ciidankiina ku abuurtay rajo xumo, waxaa lasugaaba waa talaabada madaxwaynaha Somaliland ka qaado khilaafka baahsan ee ciidanka qaranka somaliland hadheeyay, xili lagu jiro marxalad adag.

 

KALA SOCO WIXII XOG AH EE KASOO KORODHA ARIMAHAN SHABAKADA WAJAALENEWS.COM

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS