XOGHAYAHA DEGMADA TOGWAJAALE OO KA WARBIXIYAY QORSHAYAAL HORUMARINEED OO AY KA FULIYEEN MAGAALADA WAJAALE; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOGHAYAHA DEGMADA TOGWAJAALE OO KA WARBIXIYAY QORSHAYAAL HORUMARINEED OO AY KA FULIYEEN MAGAALADA WAJAALE;
February 18, 2014 - Written by Editor:

WAJAALE(Wajaalenews).Degmada togwajaale oo ah magaalo xuduudeed hodan ku ahna ganacsiga iyadoo aadna muhiim ugu ah dawlada Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee ethoipia ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa kamuuqda horumar lataaban karo, oo ah xaga adeegyada bulshada iyadoo ay ugu mudan yihiin, wadooyin laamiya oo markii ugu horaysay laga hirgaliya, dhinac somliland iyadoo ay gadhwadeen ka yihiin maamulka degmada togwajaale

Hadaba si aan wax uga ogaano horumarkaa balaadhan ee ka hirgalay degmada togwajaale ayaan waxaan laxidhiidhnay xoghayaha degmada wajaale Mr Cabdinaasir Xasan Cabdilaahi si aan wax uga waydiino arimaasi Isagoo arimaasi kahadlaya wuxuu yidhi, mudadii aan xilka haynay waxaa noosuurto galay qorshayaal badan kuwaasi oo aanu kafulinay gudaha magaalada, anagoo samaynay wadooyin laamiya oo aanu iska kaashanay ganacsada reer wajaale,xaga nadaafada, ururinta qashinka,

Dhanka kale wuxuu sheegay inay jiraan mashaariic kale oo ay fulinayso dawlada dhexe aadna ugu muhiima dadwaynaha reer wajaale waxaana kamida xarunta caafimaadka oo dhawaan labilaabayo, biyo galintii magaalada oo meel fiican maraysa lana bilaabay in lasoo qaado biyihii isagoo xusay in wasiirka macdantu sheegay in aysoo gaadhay lacagtiisii ay bixinayeen qaadhaan bixiyayaashu

Waxa kale oo uu xusay inay bilaabayaan wadooyinkale oo xaga toga xiga kuwaasi oo loogu tala galay inay magaalada biyaha dhaafiyaan’

wajaale two

Dhinaca Kale Koox Saxafiyiin ah oo Madax Banaan oo Maalmihii lasoo dhaafay Socdaal ku Joogtay Magaaladda Togwajaale ayaa sheegay in uu Horumar Balaadhani ka socdo Degmadda Tog-wajaale oo ah Sayladda Ganacsi ee Somaliland waxaanay sheegeen inuu Maamulka Wajaale iyo Ganacsatadda Magaaladdaasi oo iskaashanayaa ay dhameystireen 6 Waddo oo Halbowle ah oo laamay ah islamarkaasna ay hadhsanyihiin Waddooyin ka yar inta la sameeyay waana markii ugu horeysay ee Waddooyin Laamay ah laga sameeyo Magaaladdaasi tan iyo wakhtigii soomaaliya la ahaa , iyo intii Somaliland ay cagaha isku taagtay Taasi oo Maamuladdii Muddadaasi soo Maray ay iska Cuni jireen lacagta ay ka Urursadaan Dadweynaha iyo Ganacsatadda deggen Magaaladda Togwajaale taasi oo keentay inay aaminaan maamulka lagana sugayo inay inta ka hadhsan waddada ay si wada jir ah ay u fuliyaan Ganacsatadda Magaaladdaasi iyo weliba Maamulka Degmadda Tog-wajaale.

Maamulka Degmadda Tog-wajaale ayaa si wada jir ah u gubay Raashin iyo daawooyin iyo cabitaano wakhtigoodu dhacay kuwaasi oo ay kasoo Ururiyeen Bakhaaradda Magaaladda Tog-wajaale .
Gudoomiyaha Degmadda Tog-wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmadda Tog-wajaale ayaa si wada jir ah u gubay Raashin tiro badan iyo sharaabo iyo weliba Daawooyin wakhtigoodu dhamaaday ama dhacay Waxaana ay ku Gubeen Goob ka mid ah Toga Magaaladda oo kala badha Qaybta Somaliland iyo qarka itoobiya.

Hadal ay halkaasi ka jeediyeen Maayarka Degmadda Togwajaale iyo Xoghayaha Dawladda hoose ee Degmadda Togwajaale waxay Labaduba iska daba mareen inay Magaaladda Togwajaale Tahay Saylad Ganacsi isla markaasna looga baahanyahay inay Ganacsatadda Tiradda Badan ee deggen halkaasi inay iska keenaan alaabooyinka iyo raashinka, sharaabka iyo daawooyinka wakhtigoodu dhacay kuwaasi oo bulshadda ku keeni kara caafimaad darro waxaanay ku Booriyeen Ganacsatadda inay Gacantooda ugu soo gudbiyaan haddii kale aan loo dulqaadan doonin Bakhaar danbe oo lagu qarinayo alaabo wakhtigoodu dhacay .

Gudoomiyaha Degmadda Togwajaale Mudane Xaashi Maxamuud Cabdi waxa uu intaasi raaciyay inay Ololahani aanu noqon doonin kii ugu danbeeyay ee lagu gubayo wax kasta oo wakhtigiisu dhacay balse ay Todobaadkii soo dhaafayna Maalintii khamiistii Olole kan ka duwan oo Qashin ururin ah ay ku gubeen khashin tiro badan waxaanu intaa raaciyay inay khamiis kasta ay Olole Khashin ururin ah ay ka bilaabaan Magaaladda Tog-wajaale marka laga yimaado khashin ururin joogto ah oo maalin kasta ay dawladda hoose ka fuliso Magaaladda Togwajaale.

Isku soo wada duuboo magaalada togwajaale ayaa intii maamulka hada joogaa xilka hayeen waxa ka muuqda horumar lataaban karo

WAJAALENEWS

WAJAALE SOMALILAND

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS