Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry oo buuqasho ku jooga magaalada Beijing, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry oo buuqasho ku jooga magaalada Beijing,
February 14, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa booqasho ku jooga magaalada Beijing, halkaas oo uu wadahadalo kula leeyahay hoggaamiyeyaasha Shiinaha oo uu doonayo inuu ku dhiirigeliyo inay cadaadis badan saaraan Kuuriyada Waqooyi si uu u joojiyo barnaamijkiisa hubka nuclearka.

Kerry waxaa uu socdaalkiisa ka bilaabey kulan uu la yeeshey Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Waxaa kale oo uu la kulmey saraakiil kale oo sare oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wang Yi.

Kerry waxaa uu Beijing tagey subaxnimadii maanta, isagoo ka soo kicitimey Koonfuurta Kuuriya, halkaas oo uu kula kulmey Park Geun-hye. Kulankani waxa uu imanaya iyadoo labada Kuuriya ay yeesheen kulankoodii ugu sareeyey muddo toddobo sanno ah.

Kerry waxaa uu magaada Seoul ka sheegey in Shiinaha uu door weyn oo muhiim ah ka cayaari karo inuu ku dhaadhiciyo xukuumadda Pyongyang dib inay u bilowdo wadahadallada la xiriira barnaamijkeeda nuclear-ka.

Waxaa uu qirey doorkii ay xukuumadda Beijing cayaartey billihii dhowaa, laakiin waxaa uu intaa ku darey in Shiinaha uu dadaal intaa ka badan sameyn karo, maadaama uu yahay dalka ugu weyn ee  Kuuriyada Waqooyi ka taageera shidaalka iyo adeegyada bankiyada.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS