|
|||||
WAJAALE NEWS
Xog-culus: Sida Hubka Dawladda Somalia ku gaadho Al-shabaab, Maxaadse ka taqaanaa shabakadaha isku xidhan ee Hubka tahriibiya?
February 18, 2014 - Written by Editor:Muqdisho(Wajaalenews);Xog-culus: Sida Hubka Dawladda Somalia ku gaadho Al-shabaab, Maxaadse ka taqaanaa shabakadaha isku xidhan ee Hubka tahriibiya? Muqdisho-(Wajaalenews)-Xog rasmi ah oo naga soo gaartay ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada somalia, xafiisyada Amisom, iyo Ciidanka nabadSugida ayaa cadeynaysaa in hubka la siiyo ciidamada Soomaaliya uu si toos a iyo si dadban labadaba u gaadho kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dawlada Soomaaliya. Waxay xogtani tibaaxaysaa inuu hubka Dawaladu suuqa laba hab uu ku gaadho,dabadeednaAl-shabaab iibsadaan. 1.Madaxtooyada Somalia: Qayb hubka suuqyada soo gala ka mid ah ayaa ka soo baxa bakhaaro ay leedahay madaxtooyadu, waana hub asal ahaan ay leeyihiin ciidamada Somalia, waxaana arintaan ku lug leh Cabdullahi Macalin Nuur oo ay Hayb ahaan aad isgu dhawyihiin Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud. Cabdillahi Macalin Nuur oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa wuxuu ka yimid Mareykanka, wuxuuna dawladda ku soo biiray sanadkii 2010 xiligii Shariif Sh. Axmed ahaa madaxweynaha, wuxuuna noqdey wasiirka madaxtooyada sanadii 2011. Ninkaan oo ku magacaaban jago sare oo qaybaha saadka ee ciidamada ka mid ah ayaa dhowr jeer waxaa cabasho ka soo gudbiyey madaxda ciidamada iyaga oo ka cabanaya musuqmaasuq balaadhan ee ninkaan ku jiro iyo mida ugu daran oo ah inuusan wax amar ah ka qaadaneyn madaxda ka sareysa maadaama uu madaxwaynaha saaxiib dhow layahay.
Sida aan xogta ku helnay ninkani wuxuu helay fursad kale oo wayn markii loo xilsaaray hubka dawladu ka soo iibsanayso dibada ,khaas ahaan wadamada Uganda iyo Ethiopia, waxana jirta inuu lacago badan ka soo ururiyo ganacsada hubka ka dibna magaca dawlada ugu soo iibsho hub ka noocyadiisa kale duwan markii uu Xamar keenana si tartiib ah ugu wareejiyo ganacsatadaas hubkoodii.!! 2.AMISOM: Sida ilahan xogtan ka helay sheegayaan ciidamada AMISOM ayaa iyagu qayb wayn ka ah qorshahan hubka looga gadayo Al-shabab, iyagoo isticmaala xirfad ku cusub Soomaaliya dhinaca hubka.
Warkan ku eedaynaya dhinaca AMISOM ee hub ka gadashada Al shabaab ayaa lagu ogaadey baadhis laga sameyey in hubka AMISOM siiso ciidamada Somalia laga tirtiro Mambarada,si ay isaga ilaaliyaan in cadeymo loo helo in hub iyaga ka yimid si fudud u galo amaba looga iibiyo kooxaha Alshabaab. Arintan in qoryaha Lambarada laga tiro ah ayaa sahasha in uu askarigu ku dhiirado inuu iibiyo qorigiisa, amaba saantir u noqota ku lug lahashana AMISOM ee beecsiga hubka. Mar aanu booqanay suuqa hubka ee Xamar oo ku yaala KM5, meel ku dhaw Hotel Amiira iyo Hotel Safari ayay waqti nagu qaadatay in nala aamino laakiin muddo yar ka dib ayaa la soo bandhigay hubka noocyadiisa kala duwan, ruux iibiya hubka ayaa noo sheegay in la heli karo 40 qori AK47, oo sanduuqii lagu soo iibiyey ku jira, dhamaantoodna nambaradi laga soo xoqay. Isla markiiba nin aan da’diisa ku qiyaasay 40 jir oo dhar caadiya lebisan ayaa keensaday 2 AK47 nooca geeslaabka loo yaqaan oo cusub , wuxuuna noo sheegayiibsadihii inuu ka mid yahay hub maalmahaan ay bixineysay Hay’adda Nabad Sugida NISA, waxana lagu iibsadey $1500 . Isbahaysiga musuqmaasuqa Hubka la gato!!
Wararka aan helayno ayaa cadeynaya inay abuurmeen kooxo isku xidhan oo awood u yeeshay inaan waxba laga qaban karin musuqmaasuqa baahay ee hub gadashada iyo arima kale oo ku xeeran oo halis ku ah nabadgalyada Somalia. Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Somalia Bashiir Goobe, Cabdullahi Macalin Nuur oo ah ninka hubka gada iyo Agaasimaha madaxtooyada Taabid oo ay isaga qaraabo hoose yihiin madaxweynaha ayaa noqday saaxiibo wax wada cun leh, arintan hub kala gadashadana lug weyn ku leh. Bashiir Goobe iyo labadaan wiil ee ay madax waynaha qaraabada yihiin aadna saamayn ugu leh go’aamada madax waynaha ayaa noqday tuulasha uu isticmaalay madax NISA. General Bashiir Maxamed Jaamac ayaa siiyey labadaan wiil gawaadhi nooca aan xabadu karin iyo $15000 dollar bishii, bedelkeeda Cabdullahi wuxuu u soo iibshaa hubka iyo dirayska ciidamada waxaana ugu danbeeyey 150 Bastooladood oo wasiirka amniga ka soo iibshay Yemen, Nooca makaaroof, 14 PKM, 4 dhashiike, iyo 180 AK47, oo NISA lagu soo iibshay lacagta NISA, 9/11/2013, hubkaan oo intiisa badan suuqa laga iibshay. Taliyaha Nabad sugidda JBashiir , wuxuu agaasimaha madaxtooda Taabid ku bixiyaa qarash badan bishii taas bedelkeedana wuxuu u yahay isha aan libiqsan ee Jeneraalka madaxtooyada u joogta, wuxuuna u sheegaa cid kasta oo madaxwaynuhu la kulmo iyo sida wax u dheceen. U gogol xaadhka arinkaanina wuxuu galaaftay madaxii amaanka ee madaxwaynaha ahaana qofka keliya ee madaxwayne Xasan Shiikh ku kalsoonaa Cabdixakiim Farey oo caydhintiisa ay iska kaashadeen Taabid iyo General Bashiir, gacana ka waayey saaxiibkiis Xasan Shiikh. WAJAALENEWS Related posts:DAAWO;Maamulka iyo Culimada Magaaladda Tog-wajaale Oo Sheegay Inay Soo Gabagabeeyeen Hawgal ay Lafa... Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Waddani DAAWO;-Madaxwaynaha DDS Oo Gaadhay Deegaano Katirsan Gobolka Liibaan, Kana Warbixiyay Mashaariicda A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|