Xisbiyada Qaranka Somaliland,Guddida Doorashooyinka Qaranka Iyo Deeq Bixiyeyaasha Oo Uu Hargeysa kulan Uga Socdo.
February 4, 2014 - Written by Wariye:
Hargeysa(Wajaale News):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Deeq bixiyeyaasha Somalilad ka taageera dhinaca.
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna la waydiiyay warar sheegayay in Xisbiyada Mucaaradka ahi diidan yihiin Diwaan galinta Muwaadiniinta iyo Cod bixiyeyaasha ee Wasaaradda Daakhiligu wado ayaa sheegay inaanay wax cabasho ah ka qabin Arintaasi.
“ Wada hadalku wuu noo socdaa, Bulshadii Caalamku way noo yimaadeen, Qoladii samaynaysay Diwaan galinta Codbixiyeyaashuna way noo yimaadeen, markaa wali Gabo gabo maanu isla gaadhin ilaa barri markay dhamaato ayaan faahfaahin idinka siin. Wax cabasho ahina ma jirto oo wali Gabo gabo la islama gaadhinba” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa inta badan Carrabka ku adkeeya inaan doorashooyinku wakhtigooda ka dib dhicin sanadka 2015-ka. Wakhtigaasi oo hore Madaxweyne Siiraanyo u sheegay inaanu waxba ku darsanayn xiliga wakhtiga Xukumaddiisu dhamaado. Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa dhawaan Iclaamisay in ilaa 6 bilood ee soo socda la samayn doono Diwaan galinta Muwaadiniinta, iyadoo aan wali Cayimin Xiliga la samayn doono Kaadhadhka Codbixiyeyaasha oo Mucaaradku walaac badan ka qabo in dib u dhac ku yimaado.