Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Ka Hadlay Cuna Qabataynta Hubka Ee Soomaaliya Soona Dhaweeyay Waaxda Dabagalka Hubka Ee UN Ta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Ka Hadlay Cuna Qabataynta Hubka Ee Soomaaliya Soona Dhaweeyay Waaxda Dabagalka Hubka Ee UN Ta.
February 16, 2014 - Written by Wariye:

Hadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay Deegaano kala googo’an oo ay ka taliyaan kooxo kala duwan sida Al-shabaab, Maamul Goboleedka Garoowe, Jubbooyinka iyo Raaskaambooni waxa ka taliya Ciidamada Kiiniya, Banaadir oo ay ka taliyaan Amisom

UJEEDO: Baaq

Haddaanu nahay Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Waxaanu hore u sheegnay in aanay haboonayn waqtigan Xaadirka ah cunaqabataynta hubka in laga qaado Somaliya, anagoo arkayna in aanay jirin Dawlad Somaliyeed (Somalian Italy), Dalkaas oo burburay 1991-kii  markii taliskii Siyaad Barre meesha ka baxay.

Hadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay Deegaano kala googo’an oo ay ka taliyaan kooxo kala duwan sida Al-shabaab, Maamul Goboleedka Garoowe, Jubbooyinka iyo Raaskaambooni waxa ka taliya Ciidamada Kiiniya, Banaadir oo ay ka taliyaan Amisom, Maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb.

Sidaa daraadeed waxaanu u aragnaa in Hubka la siiyo kooxda Banaadir joogta ee lagu Magacaabo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya in ay sii

kordhin doonto qalalaasaha iyo fawdada ka taagnayd Soomaaliya 22-kii sanno ee ina dhaafay.

Waxa aad ugu mahadnaqaynaa kooxda Dabagalka UN-ta ee dabagalka ku samaysa hubkii Soomaaliya ee soo ogaatay in wixii aanu ka digaynay timi oo hubkaas gacanta u galay maleeshiyo beeleed, ku waas oo aynu cawaaqibkooda ka aragnay Deegaanada Marka ee Shabeelada hoose iyo Jawhar Shabeelada Dhexe iyo Gobolka Hiiraan, taas oo hubkii Dawladda Maleeshiyad beeleedkaas heleen laguna Xasuuqay Dadkii Beeralayda ahaa ee aan hubaysnayn ee Deegaanadaas.

Sidaa awgeed waxa aanu soo jeedinaynaa in dib loo cusboonaysiiyo Xakamayntii hubka iyo Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wa Billaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Eng. Faysal Cali Waraabe:

COMMENTS
LINKS